Herrera oo qarka u saarran ka tegista United, iyo dalab uusan diidi karin oo loo soo bandhigay! Maxaa cusub?

Kooxda Manchester United laacibkeeda khadka dhexe ee Ander Herrera ayaa ku dhow inuu isaga tago kooxdiisa.

Herrera ayaa dalab mushaarraad waalli ah ka helay naadiga Paris Saint-Germain  iyadoo xiddiggan uu kusii dhowaanayo ku biirista kooxda reer France.

Inkastoo laacibkan uu dib u helay dookha koowaad ee Old Trafford tan iyo markii Ole Gunnar Solskjaer uu shaqada ka beddelay tababarihii la ceyriyay ee Jose Mourinho, haddana waxaa jirta inuu gabagabo yahay qandaraaska uu kula jiro Red Devils.

The Sun ayaa werrineysa in naadiga France ka dhisan ay xiddiggan usoo bandhigtay dalab mushaarraad oo gaarraya €173 toddobaadkii.

Waxaana Marca oo warkan xaqiijisay ay iyaduna aaminsantahay in ay adkaan doonto inuu iska diido fursaddan muhiimka ah ee soo mareysa laacibka reer Spain.

Haddii Herrera uu aqbalo heshiiskan, waxa uu soo gabagabeynayaa shan sano oo uu ka ciyaarrayay Premier League-ga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR