Hirdan iyo Hilaw (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Hirdan iyo Hilaw (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Nafqaybsi

Libdhe maalmihii nafqaybsiga lahaa ee gacanta wax la wada galin jiray. Maalmihii dadku isku wareegi jiray ee jaarka wax la la soo cuni jiray ama ba la la soo seexan jiray. Maalmihii ducada iyo Allebariga la iskugu yeedhi jiray. Waa beryihii nin quud jecel oo malaha cabbiraya farxadda, laga sheegay inuu yidhi, “Waxaan ugu farxad badanahay, marka meel duco ah la joogo, cuntada la soo dhigayo ee qofka wax qaybinayaa nagu amro inaan afar afar u fadhiisano!”

Laakiin, dadku wali sow isma taageeraan. Wali sow, iyaga oo kala fog, haddanna sidii iskuma saacidaan. Sow qaabab cusub oo istaageersi bulsho ahi ma soo ifbixin oo ma hirgalin. Sow nin iska qayilaya oo badh go’ ahi, isaga oo aan isba dhibin, telefoonkiisa gacanta garraaci maayo oo mid tol ah, ama garasho ah, inta uu mirqaanku tuso, aayar uun toban doolar ku soo shub iska odhan maayo. Sow ruuxaasina, ilayn waa qof wax la soo moodee, wax uun u diri maayo xarriifkaas faarta mirqaanku u shaqaysay!

Bar-kulan

Tage maalmihii geedka xaafadda hortiisu ahaa bar-kulanka ugu mudan ee lagu kala warqaadan jiray. Ku daaye maalmihii firaaqada badan la haystay ee maanta oo dhan haddii aad doonto aad geedkaa ka hoos sheekayn jirtay. Beryihii, marka lagu raagsado ee aad sheekada geedka isku ilawdo, ileen telefoon ma jirine, mid kaa yar laguu soo diri jiray ee qadadii way qabawdaye, soo kac uu ku odhan jiray.

Balse imikadanba, sow halkii geedka, goob kale uuni ma beddelin. Bar-kulankaas cusub maqaaxi inay tahay, u badi. Wali marka aad sidii sheekada iskugu ilawdid, halkii hooyo cid kaaga soo diri jirtay, sow hadda xaasku farriin gaaban oo qoraal ah kuuma soo qorto, amaba telka kaama soo wacdo.

Oo heedhe adigu ma soo ma hoyde ayaad tahay? Miyaa mar walba laguu yeedhayaa? Mar walba waa lagu raadinayaa miyaa? Mar qof lagaa soo daba diro iyo mar telka lagaa soo wacaba, ma kuu raadco uun baa? Way jirtaa, balse mooyi sheeko jacayl, danseeg, gole ka muuqasho iyo wahsi waxay kaa tahay.

Dad is xaal og

Ku daaye waayihii bulshadu iska wada warhaysay ee is-xaal-ogayd. Waayihii reerka dariskiina ah, waxa ku soo kordha, khayr iyo shar aad xog-ogaal u ahayd. Maalmihii la iska war hayey ee ka dhibtu soo gaadho iyo ka badhaadhe helaba la la ogaa ee aan oodda la kala rogan jirin. Waa ka hor inta aan aqalada waaweyn ama sarraha dhaadheer, ganjeelada gaadh la dhigan. Maalmihii, marka waagu beryo ee daarada la xaadhayo, maxaad ku barideen, iyo barinaye, ma barideen ama ma soo toosteen la isku salaami jiray. Weedhahani salaan kaliya maahee, waa bariido xeeldheer oo bedqabka xubnaha qoyska lagu hubinayo. Waa isku san-banaani, lexejeclo iyo is- ahaansho bulsho. Imisaa iyaga oo hurda ay ka haaday!

Dhinaca kale, si kasta oo loo kala fogaaday oo daafaha dunida loo kala tegay, sow dadku qaabab cusub iskuguma xidhna. Sow aalado casri ah oo dadka xidhiidhiyaa ma soo bixin. Maalin walba, marka aad booqato Faysbuugga, sow aroos ama tacsi cid aad garanayso uguma tegtid. Iska daa degmadda aad ka soo jeedee, sow lama socotid wixii ku soo kordha ehelka, qaraabada iyo macaariifta, meeshay doonaanba ha joogaane. Sow markaaba kuma soo gaadho geerida cid garasho ah haleesha, hadday doonto haba ka dhacdo Lima, Peru ama Manila, Filibiine. Sow markaaba ma ogaatid arooska qoys garasho ah oo ka qabsoomay Cape town, Koonfur Afrika, ama Lisbon, Boortaqiiska. Isku wareegga iyo is booqashadu, hoosba ha u dhacdee, sow adduunweynihii iskuma soo dhawaan oo si weyn iskuguma xidhmin.

Isku xidhka waalidka

Heer shakhsi, sow hooyo marka aad WhatsApp-ka ku sheekaysanaysaan, wax la xidhiidha ehel, qaraabo iyo  jaar, mar walba sow tii warka ku soo darta maaha. Jeer oo aad isku haysato inaad dadka kala taqaan, sow mar walba dad aanad aad u saxayn, ama tohoyasho dheer ka dib uun aad garataa, sheekada ma soo galaan.

“Islaantii heblaayo ee yarkii ina hebel dhashay. Tii dee ay ayeeyo labada ilma adeerta ahi kala dhaleen, anigana habaryarta ii ahayd, adigana mocooyda kuugu beegnayd miyaad ilawday?”

Hooyo islaantaa aad uma xasuusto.

Waar ma waxaanad garanayn, yarkii Cabdikaafi ee markaad yaryaraydeen aad malcaamadda wada dhigan jirteen. Waa hooyadii dee qofka aan kuu sheegayaa.

Sow markaas, sidaadii qof maahsanaa oo hadda soo baraarrugay magicii xaajiyadda ma heshid. Sow waliba kuma sii dartid, haa inankeedii kalena, waa kuwii hebel (shoodhahaaga), iskuulka wada dhigan jiray.  Ninkaasi waa kii dhoofay oo Maraykan buu joogaa. Kii ka weynaa, Allah ha u naxariistee, waa kii dhintay. Sow markaa sidaadii iskama daldalantid!

Sow ma xaqiiqsatid, in la hadalkaa hooyo mar walba dib kuugu xidho, duni iyo xusuus sii libdhaysa. Marar badan sow hilow iyo muhasho kuguma beero. Sow mar kale ma yaqiinsatid kaalinta waalidka ee isku xidhka ehelka, qaraabadda iyo macaariiftii hore iyo kuwa imikaba.

Fikir iyo waydiimo darandoorri ahi sow markaa kuguma dhashaan. Inaad  adigu kaalintaadii ka gaabisay, sow ma dareentid, gaar ahaan, markaad dhuuxdo sida kuwan aad dhashay ay halkaa ugu liitaan. Dee laakiin horta iyagu canaan ma leeyihiin  ilayn gaabiyaha u weyniba waa adigee. Kaalintii waalidkaaga ee xidhiidhinta, sida aad xarriiqa uga hoos martay sow markaa kuuma cadaato. Ma iskugu laab qaboojisaa in jiilba jiilka uu ka horreeyey uu ka dad jeclaa. Ma is tustaa  in facba, faca uu ka danbeeyo u sii dhurranayo kaligii noole, kaligii quute ah. Deegaanka iyo duruufaha is beddelay tolow kaalin intee leeg bay saameyn arrintan ku leeyihiin.

Waar waxba deegaan iyo waayo ha ku meeraysane, qir kolayba kaalintii waalidkaa ee xidhiidhinta iyo ka warheynta dadka inaanad gaadhayn. Fahan in kuwa aad dhashayna, ay adigaagan isla yaaban, kaalintaadii ka sii gaabinayaan. Kuwa ay sii dhaleena, hadda waa kuwa ay sii dhaleen, dee mooyi kuwaasi si ay noqon doonaan.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

abdirahman.adan@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR