Hoobiyeyaal lagu weeraray Madaxtooyadda Somaliya

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno nawaaxiga Xarunta
Madaxtooyadda Villa Somaliya, waxaa goor dhaweyd halkaasi ku soo dhacay tiro
hoobiyeyaal ah.

Hoobiyeyaasha oo jugtooda la maqlay ayaa dadka deegaanka waxa ay
sheegayaan qaarkood inay ku soo dhaceen Xaafadda Cagadhiig ee Degmada
Wardhiigley & Xaafadaha kale ee ku dhaw.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku
dhaceen dhismayaal ku yaallo gudaha Madaxtooyadda Somaliya, inkastoo illaa
hadda si rasmi ah aanan loo xaqiijin karin meesha ay kaga dhaceen Madaxtooyadda
gudaheeda.

Dadka ku nool Xaafada Cagadhiig ayaa sheegay mar kaliya inay
dareemeen argagax xoogan oo ku aadan hoobiyeyaasha soo dhacay, islamarkaana ay
ku carareen dhismayaasha dabaqa ah si ay ganbaad uga dhigtaan.

Lama oga rasmi ahaan meesha laga soo tuuray hoobiyeyaashaan,
balse Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano &
baadigoobka meesha Hoobiyeyaasha laga soo tuuray.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR