Hordhac: Barcelona Vs Valencia: Blaugrana Oo Doonaysa In Ay Gaadho Guusheedii 2-aad Ee Horyaalka

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Valencia kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Barcelona ee Camp Nou.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad ee horyaalka La Liga iyo in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib bar-barihii ay gashay kulankii ugu dambeeyay.

kooxda Valverde ayaa sidoo kale doonaya in ay ka aarsadaan Valencia kuwaas oo ka qaaday koobka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkii hore kulan xiiso lahaa oo loo awood sheegtay kooxdiisa.

Valencia oo dhankeeda tababare cusub yeelatay ayaa doonaysa in ay Barcelona dusha u saarto natiijo xun oo kale xilli ciyaareedkan milix-na sii mariso dhaawacii hore ay u qabtay.

Kulanka: Barcelona Vs Valencia

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa laga badiyay kaluya 2 kulan oo ka mid ah 24-kii kulan ee La Liga ay ka hor tagtay Valencia (14 guul iyo 8 Bar-Baro) laakiin labadaas guuldaro ayaa yimid kulamo ka dhacay Camp Nou (2/3 February 2014 iyo 2/1 April 2016).

Markii ugu dambaysay ee Valencia laga dhaliyay 6 gool kulan La Liga oo ay marti tahay ayaa ahayd 2008 markaas oo ay Barcelona ku garaacday 6/0.

Barcelona ayaa heshay kaliya 4 dhibcood horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waana bilowgoodii ugu xumaa tan ilaa 2008/2008 markaas oo ay 4 dhicbood heleen iyaga oo uu hogaaminayo Pepe Guardiola.

Barcelona ayaa leh gool dhaliyayaal kala duwan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii 6 xiddig oo kala duwan goolal u dhaliyeen 3-dii kulan ee la ciyaaray markii ugu dambeeyay ee ay 6 gool dhaliye oo kala duwan lahaayeen 3-da kulan ee ugu horeeya horyaalka la Liga ayaa ahayd 2013/2016 markaas oo ay 6 lahaayeen sidoo kale.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR