Hordhac: Burnley Vs Chelsea: Kulankan Oo Leh Rikoodh Ayna Kulamada Kale Ee Premier League Lahayn.

Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 7-aad ee horyaalka kulan ka dhici doona garoonka Turf Moor.

Kooxda Burnley ayaa kaliya hal guul gaadhay premier League ilaa haatan waxana ay ku jirtaa kaalinta 18-aad ee horyaalka premier League.

Chelsea ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League laakiin waxa ay badiyeen shan ka mid ah lixdii kulan ee ay u safreen Turf Moor.

Kulanka: Burnley Vs Chelsea

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: Turf Moor

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

12-kii kulan ee hore ee ay wada ciyaareen kooxaha Burnley iyo Chelsea ayaan ku dhamaan bar-baro gool la’aan ah qaybta hore ee ciyaarta waana kulanka ugu badan ee tartanka aan gool la’aan la kala nasan 45-ka daqiiqo ee ugu horeeya.

Burnley ayaa diiwaan galisay cel-celis ahaanta ugu badan ee baasaska dhaadheer ee Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo leh boqolkiiba 19.6.

Chelsea ayaa dhalisay afar gool mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen Turf Moor, iyadoo Christian Pulisic uu seddexleey dhaliyay kulankan xilli ciyaareedkii hore.

Edouard Mendy ayaa noqon kara goolhayihii ugu horreeyay ee Chelsea ee shabaqa ilaashada seddexdiisii ​​kulan ee ugu horreysay Premier League tan ilaa Petr Cech oo sidaas sameeyay August 2004.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR