Hordhac: Norwich City Vs Man City: Citizen Oo Doonaysa In Ay Cadaadiska Sii Saarto Liverpool

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay sii wado cadaadiska ay ku hayso kooxda Liverpool kuwaas oo 2 dhibcood kaga haya hogaanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa marti u noqon doonaan kooxda Norwich City kulan ka dhici doona garoonka Carrow Road kana tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Norwich City ayaa rajaynaysa in ay ka yaabsato kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City kana gaadho guusheedii ugu horaysay tan ilaa 2013 markaas oo ay 3/2 ku garaaceen City.

Kulanka: Norwich City Vs Man City

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Carrow Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Norwich ayaa 1,427 daqiiqo siisay xiddigaha da,doodu tahay 21 sano ama xiddigaha ka yar xilli ciyaareedkan iyaga oo ka badan 380 daqiiqo koox kasta oo premier League ah.

Norwich City ayaa wajahday kubadaha laadka furan ee ugu badan premier League xilli ciyaareedkan (54) iyaga oo laga dhaliyay laadadka furan ee ugu badan (9) halka ay Man City tahay kooxda ugu badan ee isku dayday laadka furan (62) waliba gool ka dhalisay laadadka furan (13).

Sergio Aguero ayaa noqon kara xiddigii 3-aad ee ee gool u dhaliya 5-tii kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedka premier League kadib Antonio Reyes u dhaliyay Arsenal 2004/05 Iyo Wayne Rooney oo u dhaliyay Manchester United 2011/12.

David Silva ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee abid caawiye ka noqday 2 gool iyo wax ka badan 3 kulan oo xidhiidh ah premier League.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR