Hordhaca kulanka wareega 8-aad FA Cup-ka: Swansea vs Man City macalin Pep afar dhamaadka ayuu indhaha ku hayaa

Waqtiga Kulankan La Cayaarayo: (8:20 pm xiliga geeska Afrika)

Goobta Lagu Cayaarayo: Liberty Stadium

Tartanka: FA Cup Wareega 18-aad

Aqbaaraadka Cayaartooyda Labada Naadi:

Cayaaryahanka Swansea xili cayaareedkan ugu goolasha badan Oli McBurnie wuu xanuunsan yahay sidaa darteed waxay u badan tahay inaan kulankan lagu soo bilaabi doonin.

Carter-Vickers  jug ayuu qabaa balse inuu kulankan cayaaro u badi laakiin Kyle Naughton shaki kulankan laga galinaa madaama muruqa iyo gumaarka uu dhaawac ka qabo.

Dhanka Man City John Stones ayaa cayaartan seegayo madaama weli 100% uusan soo kabsanin sidoo kale Kompany, Fernandino iyo Kevin de Bruyne iyagana dhaawacyo ayay ku seegayaan kulankan.

Shaxda Macquulka Ah Labadan Koox Kusoo Gali Karaan:

Swansea XI: Nordfeldt; Roberts, Van der Hoorn, Carter-Vickers, Naughton; Fulton, Grimes, Byers; Dyer, James, Routledge

Man City XI: Ederson; Danilo, Laporte, Otamendi, Delph; Foden, Gundogan, D.Silva; Mahrez, Jesus, Sane.

Xaqiiqooyinka Muhiimka Ah Kulankan U Gaarka Ah:

Waxay noqon doontaa markii ugu horeesay labadan koox FA Cup isku arkaan inkastoo Swansea wax guul ah aysan Man City ka helin 13-kulan ugu dambeesay ay wada cayaareen dhamaan tartamada kala duwan weliba 11-ka mid ah waa laga badiyay Swansea.

Markii isugu dambeesay waxay isku arkeen xili cayaareedkii hore EPL garoonka Liberty Stadium waxaana 4-0 guusha ku qaadatay City December 2017 halka 5-0 isla City ku badisay kulankii kale afar bilood kadib waqtigaas.

Swansea tartankan FA Cup waxaa ka reebeen kooxaha Premier League 6-ka mid ah 7-jeer ugu dambeesay kaliya Man United ayay ka reebeen naadiga EPL cayaareyso tartankan dhawaanahan waxayna markaas ahayd Janaayo 2014.

Man City ayaa guuleesatay sedex ka mid ah 4-kulan FA Cup wareega 8-aad ugu dambeesay laakiin kooxda Wigan oo heerka labaad ahayd ayaa marxaladan ku reebtay 2013/14.

Swansea waxay raadineysaa marki 3-aad inay soo gaarto FA Cup-ka nus dhamaadkiisa waxayna horey Semi Final u gaareen 1925-26 iyo 1963-64.

Man City ayaa dhalineesay afar gool iyo ka badan sedexdii kulan ugu dambeesay FA Cup sidoo kalena waa kooxdii ugu dambeesay afar kulan isku xigto FA Cup afar gool iyo ka badan dhaliso sidaasna waxay sameesay 1926.

Swansea City waligood Final ama kama dambeesta FA Cup ma cayaarin inkastoo si la yaab leh sanadii 2013 ku qaadeen League Cup.

Phil Foden ayaa ah cayaaryahanka Man City ugu goolasha badan FA Cup-ka wuxuuna dhaliyay 3-gool.

Gabriel Jesus ayaa ku lug yeeshay 10-gool lixdii kulan ugu dambeeyay koobabka maxaliga ah ee lagu soo bilaabay waa FA Cup+League Cup wuxuu dhaliyay 7-gool halka sedex kalena uu caawiyay.

Kooxda Pep Guardiola hogaamiyo kaliya afar darbo ayay kala kulmeen in gooshooda lagu rido sedexdii kulan ugu dambeesay EPL cayaareen taasi oo ka dhigan inay aamusiyeen kooxihii ugu dambeeyay City horyaalka la cayaareen.

Sadaasha Kulankan: Swansea 0-2 Man City (BBC), Swansea 1-3 Man City (WhoScorred)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR