Horyaalka La Liga oo laga hirgelin doono tiknoolajiyadda VAR, balse xilli ciyaareedkee ayaa la bilaabi doonaa?

Horyaalka La Liga ayaa waxaa xilli ciyaareedka soo aadan lagu soo kordhin doonaa tiknoolajiyadda Video Assistant Referee (VAR), sidaas waxaa daaha ka qaaday madaxweynaha horyaalka La Liga Javier Tebas.

Horyaalka Talyaaniga ee Serie A iyo horyaalka Jarmalka ee Bundesliga ayaa labaduba xilli ciyaareedkaan ku shaqeynaya tiknoolajiyadda Video Assistant Referee (VAR), taasoo garsooreyaasha u ogolaaneysa inay ka fiirsadaan shilalka ciyaaraha ka dhacay ka hor inta aysan go’aan qaadan.

Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedka soo aadan VAR waxaa laga hirgelin doonaa horyaalka La Liga sida uu daaha ka qaaday madaxweynaha Primera Division.

Bishii October ee sannadkaan, madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Spain ee Royal Spanish Football Federation (RFEF) Juan Luis Larrea ayaa wuxuu xaqiijiyey inay VAR soo wadaan. Sidaas darteed xilli ciyaareedka soo aadan 2018 illaa 2019 ayey bilaabi doonaan.

Tijaabooyinka VAR ee horyaalka La Liga ayaase lagu bilaabi doonaa ciyaarta lugta labaad ee Copa del Rey ku dhexmareysa kooxaha Atletico Madrid iyo Elche taasoo 29ka bishaan November lagu ciyaari doono garoonka Wanda Metropolitano.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR