HRW oo Ciidamada Itoobiya Ku Eedeysay in ay Dad Rayid ah Ku Laayeen Gobolka Tigray

HRW oo Ciidamada Itoobiya Ku Eedeysay in ay Dad Rayid ah Ku Laayeen Gobolka Tigray

ADDIS ABABA(HALBEEG)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ciidamada Itoobiya ku feedeysay in duqeymo aan loo meel dayin ay ka geysatay gobolka Tigray xilligii uu socday gulufkii ka dhanka ahaa Jabhadda TPLF.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in madaafiicdii ay ciidamadu adeegsadeen xiliigii dagaalka ay ku dhaceen guryo, cisbitaallo, dugsiyo iyo suuqyada magaalooyinka Maqale, Humera iyo Shire.

Madaafiicdaas ayay hayd’addu sheegtay, in ay galaafteen nolosha ilaa 83 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

“Weerarrada noocan ah waxa ay burburiyeen noolasha shacabka Tigray, waxaana ku barakacay kumanaan qof, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la soo afjaro weerarrada sharci darrada ah, oo lagula xisaabtamo dadkii mas’uulka ka ahaa,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan Geeska Afrika.

Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in dadka ku nool degmada Humera ay u sheegeen in 9-kii November madaafiic laga soo ganay dhanka Eritrea ay ku dhaceen xaafadaha Kebele 01 iyo Kebele 02, gaar ahaan kaniisad, iskuul iyo meel u dhaw masaajid.

Dhakhaatiirta cisbitaalka Kahsay Aberra ee magaalada Humera ayaa u sheegay Human Rights Watch in xaruntooda la geeyay meydad badan iyo dad dhaawacyo culus qaba.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday magaalada Maqale 28-kii November ay ku dhinteen27 qof oo rayid ah ayna kamid yihiin carruur, halka dhaawacana uu ka badnaa 100 qof.

Human Rights Watch ayaa ku baaqday in Qaramada Midoobay ay gobolkaas u dirto guddi xaqiiqa raadin ah si ay baaritaan ugu sameeyaan tacaddiyada laga soo sheegayo deegaannada Tigray.


Post Views:
17

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR