Imise jeer ayuu Daniel Sturridge kubadda taabtay xalay ka hor inta aan la bedelin kulankii Chelsea?

Daniel Sturridge ayaa kaliya hal goor kubadda taabtay ka hor inta aan la bedelin kulankii xalay ay Chelsea guusha ka gaartay West Brom.

Dhaawac badane Daniel Sturridge ayaa hadda amaah ugu ciyaaraya kooxda West Brom, kaddib markii uu ka soo tagay Liverpool, xalay ayaana markale dhaawac garoonka looga saaray kulankii Blues.

Laacibkii hore ee kooxda Chelsea ayaa hal mar uun kubadda taabtay kulankii xalay ay Blues 3-0 uga badisay kooxda uu Sturridge u ciyaarayey ee West Bromwich.

Xiddiga reer England ayaa kaliya garoonka ku jiray saddex daqiiqo uun, kabaddiisii ugu horreysay ee uu taabto ayaana dhaawac ka soo gaaray sidaas darteed ayaana garoonka looga saaray kulankii xalay.

Difaaca kooxda Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa raacanayey Sturridge, markii uu taabanayey kubadda qura ee uu xalay garoonka ku lahaa ka hor inta aan dhaawac lagu saarin.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR