In Uu Ka Rumeeyay Riyadadiisii Santiago Bernabeu, Waxa Uu Rajayno, Kulamada PSG & Sevilla Iyo Eden Hazard Oo Dareenkiisa Ka Hadlay.


Xidiga xulka qaranka Belgium ee Eden Hazard ayaa markii ugu horaysay kulan rasmi ah u saftay kooxdiisa cusub ee Real Madrid wuxuuna badal ku soo galay kulankii ay Madrid guusha ka gaadhay kooxda Levante.

Eden Hazard ayaa dareenkiisa ka hadlay kadib markii uu dhaawac ku seegay kulamadii horyaalka La Liga isaga oo maanta markii ugu horaysay kulan rasmi ah u soo galay Santiago Bernabeu.

Eden Hazard ayaa sheegay in uu rajaynayo in kulankii Levante uu bilaw u noqdo wax fiican oo uu Madrid la qaadan doono, waxaana la filayaa in shaxda Zidane uu ku soo bilaaban doono kulanka todobaadkan ee ay PSG ku wajihi doonaan Champions league.

Ugu horayn Eden Hazard oo rajadiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan rajaynayaa in ay tani noqoto bilawga xaqiiqdii wax fiican. Waxaan doonayaa in ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay aan kubbada cagta kula raaxaysto oo aan sii wado ciyaarista kulamada”.

Eden Hazard oo ka hadlaya dareenkiisa Santiago Bernabeu oo uu waqti dheer ku riyoonayay in uu maalin uun ka soo muuqdo ayaa yidhi: “Kani waa garoon khaas ah, jamaahiirtuna markastaba kooxda ayay taageeraan”.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan awooday u soo bixitaanka garoonka oo aan helnay guul. Marka aad dhaawac ka soo laabto waa wax adag in aad hesho qaab ciyaareedkaaga, waqti ayaad u baahan tahay, laakiin waxa ugu muhiimsani waa in aanu maanta guulaysanay” ayuu Hazard hadalkiisa raaciyay.

Eden Hazard ayaa ka hadlay sida ay kooxdiisa Madrid waajib ugu ahayd in ay guul ka gaadhaan kooxda Levante wuxuuna yidhi: “Kadib laba barbaro, waxaa waajib nagu ahayd in aanu kulanka guriga guulaysano, waxaanu doonaynay in aanu guulaysano oo aanu kalsooni helno”.

Intaas kadib Eden Hazard aya ka sii hadlay kjlanka adag ee ay todobaadkan Paris ugu booqan doonaan PSG wuxuuna yidhi: “Hadda waxaanu haysanaa laba kulan oo muhiim ah oo ka dhan ah PSG iyo Sevilla, waxaanu diyaar u nahay waxa soo socda”.

Eden Hazard ayaa la filayaa in kulankiisa ugu horeeya ee buuxa uu shaxda Zidane ku soo bilaaban doono kulanka adag ee PSG iyada oo ay ugu danbayn jamaahiirta Madrid filan karaan in ay arkaan Hazard oo joogto kooxdooda uga ciyaaraya.

Kadib waxay Real Madrid booqan doontaa kooxda dhibta badan ee Sevilla halkaas oo ay Los Blancos ku soo guulaysan tan iyo wixii ka danbeeyay xili ciyaareedkii 2014/15kii.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR