Inter Milan Oo Bar-Baro ku Bilaabatay Champions League, Slavia Prague Ayay Dhaafi Waayeen

Kooxda Inter Milan ayaa bar-baro niyad jab leh ku bilaabatay tartanka champions League xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay garoonka San Siro iyaga oo bar-baro kala kulmay kooxda Slavia Prague.

Kooxda Inter Milan ayaa qaybtii hore maamulaysay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa kooxda Slavia Prague xilli ay kooxda Slavia Prague ciyaaraysay ciyaar daafac ah.

Inter Milan ayaa samaysay fursado goolal laga dhalin karo laakiin kooxda martida u ahayd ee Slavia Prague ayaa si fiican u difaacatay shabaqooda Inter-na ka hor istaagay in ay soo taabtaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la,aan ah ah inkasta oo ay kooxda Inter Milans oo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ugu qalantay goolal.

Qaybtii dambe ayay kooxda Slavia Prague ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Inter Milan ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis ah oo ay ku doonayeen goolka 1-aad ee ciyaarta.

Inter ayaa dhankeeda sii waday weeraradii ay ku qaadaysay kooxda reer Italy kuwaas oo raadinayay sidii ay u dhalin lahaayeen gool ciyaarta wax ka badala.

Kooxda Slavia Prague ayaa daqiqiadii 63-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Peter Olayinka kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxda martida ah si lama filaan ah hogaanka ciyaarta ugu qabatay.

Inter Milan ayaa raadisay wax walbana u samaysay sidii ay u keeni lahayd goolka bar-baraha xilli ay kooxda Slavia Prague qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo halis ah oo ay ku dhalin gaadheen goolal.

Kooxda Inter Milan ayaa daqiqiadii 94-aad ee wakhtigii dheeriga dhalisay goolka bar-baraha iyaag oo uu u dhaliyay xiddiga Nicolo Barella kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda Inter Milan bar-baro niyad jab leh ku bilaabatay tartanka champions League xilli ciyaareedkan

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR