Inter oo heshiis la gaartay Modric! Maxaa ka haray heshiiska.

Kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ayaa tallaabo hor leh u qaadday saxiixa laacibka kooxda Real Madrid ee Luka Modric.

Waxaa dib u dhacay kullankii ay ku ballansanaayeen Modric iyo Madaxweyne Florentino Perez, waxaana agaasime Angel Sanchez uu u caddeeyay Nerazzuri inuusan xiddiggan dhaqaaqi doonin illaa miiska lasoo saaro €750m.

Gazzetta dello Sport ayaa ku warramaysa in Inter ay u bandhigtay Kabtanka Croatia mushaar €10m xilli ciyaareedkii oo ay la socoto inay u dhameynayaan heshiis qaali ah oo uu ugu sii biiro doono kooxda reer China ee Jiangsu Suning.

Sky ayaa werrineysa in wada hadalka Perez iyo laacibkii hore ee Tottenham uu dhici doono berrito, waxaana Modric uu u sheegi doonaa madaxweynaha Los Blancos inuu doonayo ku biirista Inter.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR