Iska horimaad ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo

Iska horimaad laga dareeemay gebi ahaanba Degmada Beled Xaawo ayaa saqdii dhexe ee caawa ka dhacay degmadaasi, ka dib markii la weeraray mid ka mid ah fariisimaha Ciidamada Dowladda halkaasi ku leeyihiin.

Maleeshiyaad la rumeysan yahay in Ururka Al Shabaab ay ka tirsan yihiin ayaa la soo sheegaya in ay gudaha u soo galeen Degmada Beled Xaawo, deetana ay bartilmaameedsadeen Xerada UK, oo ay degan yihiin Ciidamada Dowladda.

Iska horimaadkan ayaa ku bilowday gantaalaha garbaha laga tuuro oo lagu asqeeyay xeradaasi, waxaana xigay iska horimaad dhex maray Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Iska horimaadkan ayaa waxaa uu yimid, xilli inta badan dadka reer Beled Xaawo ay hurdeen, iyadoona ay hurdada kaga soo tooseen daryanka hubkii cuslaa, ee iska horimaadkaasi uu ku bilowday.

Daahir Aadan Maxamuud oo ka mid ah dhalinta ku nool Degmada Beled Xaawo oo ka waramay iska horimaadkan ayaa yiri “Meesha la weeraray waa Xerada UK oo ku dhex taala Degmada Beled Xaawo, waxaana degan Ciidamadii Dowladda ee la wareegay degmada. Saqdii dhexe ee caawa ayadoo dadka oo dhan hurdaan ayay markeliya magaalada xabad is qabsatay. Wax u eg qaraxyo ayaa dhacay, laakiin waxay ahaayeen sabano/baasuukayaal raaxada looga qaaday xerada.”

Daahir Aadan Maxamuud oo la hadlay Dhacdo.com ayaa tilmaamay Ciidamada Dowladda in ay iska caabiyeen maleeshiyadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, kuna celiyeen halkii ay iska soo abaabuleen.

“Ciidamada Dowladda si fiican ayay isaga caabiyeen qoladii soo weerartay, oo loo maleynayo inay Shabaab ka tirsan yihiin, dib ayaana magaalada looga saaray.” Ayuu yiri Daahir Aadan.

Daahir Aadan ayaa intaa ku daray “Dhacdadaan qalqal iyo cabsi ayay dadka ku abuurtay, dadkii oo guryahooda ku soo laabanaayay ayayna dhacday. Cabsidii markii hore jirtay ayay kaga sii dartay.”

Waxaa aad u adag in macluumaad sax ah laga helo khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, xilliga oo habeen ah iyo cid weli ka hadashay, oo aynaan jirin.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah ay Shabaabku ku qaadaan mid ka mid ah xeryaha ciidamadu ku leeyihiin Degmada Beled Xaawo, tan iyo markii ay Ciidamada Dowladda la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, 4-tii bishan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR