Jamaahiirta Kubbada Cagta Oo U Codeeyay Ciyaartoyda U Qalma Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ee Premier league Ugu Fiican-Miyaad Codbixintan Ku Raacsan Tahay?

Dhawaan waxaa la sugayaa in la ogaan doono mushariixinta abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka Premier League ugu fiican laakiin ka hor hilinka xuquuqda baahinta kulamada Premier league haysta ee Sky Sports ayaa sameeyay codbixin uu ka diyaariyay liiska ciyaartoyda ugu bandhiga fiicnaa xili ciyaareedkan ee u qalma in ay ku guulaysan karaan abaal marinta xidiga sanadka ee Premier league.

Codbixin kadib waxay jamaahiirta kubbada cagta ee sahanka Sky Sports ka qayb qaatay ay go’aamiyeen in difaaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk uu yahay kan inta ugu badan u qalma abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka Premier league.

Boqolkiiba 59% jamaahiirtii kubbada cagta ee codkooda dhiibtay ayaa Van Dijk u hibeeyay abaal marinta xidiga sanadka ee PFA Player of the Year kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed sabab buuxda Liverpool ugu noqday in ay si toos ah ugu jirto tartamada Premier league iyo waliba Champions League.

Van Dijk ayaa rajaynaya in qaabka uu codbixinta Sky Sports ugu guulaystay uu ugu guulaysan karo codbixinta rasmiga ah ee lagu go’aamin doono abaal marinta xidiga sanadka Premier league ee PFA Player of the Year.


Sergio Aguero ayaa noqday xidiga labaad ee codka ugu badan ka helay jamaahiirta kubbada cagta ee Sky Sports codkooda ku dhiibtay laakiin waxa uu aad in badan laba jibaar ka cod hooseeyaa Van Dijk taas oo muujinaysa sida uu qalbi difaaca reer Holland u haysto kalsoonida kubbada cagta ee horyaalka Premier league.


Aguero ayaa helay boqolkiiba 15% kaliya codbixintii Sky Sports laakiin haddana waxa uu ka sareeyaa xidig kasta oo aan ka ahayn Van Dijk.

Raheem Sterling ayaa kaalinta saddexaad ku jira wuxuuna helay boqolkiiba 13% laakiin inta wixii ka danbeeyay ciyaartoyda liiskan ku jiray waxay noqdeen kuwo helay qiimayn aad u liidata taas oo muujinaysa in Van Dijk, Aguero iyo Sterling loo arko sida xidig ee xili ciyaareedkan Premier league ugu fiican.

Halkan kaga bogo Codbixintii Sky Sports Ee Lagu Go’aamiyay Xidiga U Qalma Abaal Marinta Xidiga sanadka ee Premier league ugu Fiican:

Haddaba akhriste, adigu codbixintan sideed u aragtaa? Ma ku raacsan tahay in Van Dijk uu yahay xidiga inta ugu badan u qalma abaal marinta xidiga sanadka ee Premier league ugu fiican? Aragtidaada halkan hoose ku dhiibo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR