James Rodriguez Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Kusoo Laabashada Tababare Zinadine Zidane Ee Real Madrid & Haddii Ay Isaga Saamaynayso

Xiddiga kooxda Bayern Munich qaabka amaahda ah kula jooga balse ay asal ahaan leedahay Real Madrid ee James Rodriguez ayaa ka hadlay kusoo laabashada tababare Zinadine Zidane ee kooxda ree Spain iyo haddii ay isaga saamaynayso.

James ayaa qaab cajiib ah uga fal celiyay eedaymaha uu xilli ciyaareedkan la kulmayo isaga oo saddexley goolal ah xalay ku hubsaday shabaqa kooxda Mainz waxaana ay kulanka kaddib saxaafadii halkaa ku sugnayd ka faa’idaysteen inay wax ka weydiiyaan mustaqbalkiisa.

James ayaa sheegay in xilli ciyaareedku wali dheer yahay oo ay kulamo badani hadheen waxaana uu dhinaca kale xusay in kusoo laabashada Real ee Zidane aysan saamayn doonin mustaqbalkiisa.

Xiddiga ree Colombia oo arrimahaas ka faaloonayaa ayaa ugu horreynba yidhi “Waanu arki doonaa waxa dhaca, Kulamo badan ayaa ka hadhan xilli ciyaareedkan, Waxba kuma aysan dhicin wadajirka Zidane, Ma filanayo inay saamayn doonto mustaqbalkayga gabi ahaanba”

James ayaa xilli ciyaareedkan 23 kulan oo uu matalay kooxdiisa soo dhaliyay toddoba gool halka uu sidoo kale caawiyay lix kale.

Imaatinkii tababare Niko Kovac ayaa ahaa mid ku adag isaga maadaama tababaraha ree Croatia uusan kusoo bilaabayn kulamada balse intaa kaddib ayuu kalsooni buuxda ka helay waxaana uu soo xushay dhammaan kulamada sanadkan 2019.

Bisha June ayay Bayern go’aansan doontaa haddii ay sii haysanayso Rodriguez oo ay bixinayso lacagta 42-ka Milyan ah ee lagu heli karo iyo haddii ay iska fasaxayso.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR