Jasper Cillessen maxaa kaga qorsheesan mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Jasper Cillessen ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona kaasoo aan boos joogta ah ka helin tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray waana goolhayaha labaad ee kooxda Barca iyo kan koowaad ee xulka Netherland.

Xiddigan waxaa uu diyaar u yahay inuu soo afjaro waayihiisa ciyaareed ee Camp Nou kaasoo aan ku qanacsaneyn qaabka ay kooxda ula dhaqantay.

Goolhayhaan tan iyo markii uu kooxda kusoo biiray waxaa uu kursiga keydka ugu jiraa Marc-Andre Ter Stegen kaasoo doonaya inuu noqdo goolhayaha koowaad ee kooxda.

Waxaa ay ka dhigantahay in uu xasili doono hadii loo balan qaado inuu helayo booska koowaad ee kooxda ama uu kooxda ka tago Marc-Andre Ter Stegen si jaanis uu ugu helo kooxda.

Waxaa ay farxad u tahay kooxo dhowr ah ka tagista Barcelona ee xiddigan waxaa qeyb ka ah Arsenal, Liverpool, Chelsea iyo Napoli kuwaasoo xiiso gooni ah u qabeen goolhayahaani.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR