Jordi Alba Oo Ka Hadlay Muhiimada Uu Kooxdiisa Barcelona U Leeyahay Kulanka Camp Nou Ee Chelsea Ay La Ciyaari Doonaan.

Difaaca garabka bidix ee kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa ka hadlay kulanka muhimka ah ee ku dhex mari doona kooxda Blaugrana iyo Chelsea habeenka arbacada lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League garoonka Cump Nou.

Jordi Alba oo kala hadlayay saxaada muhiimada kulankan ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan ka sugeysnaa Chelsea, qaab difaacasho xoogan sida ay horey u sameeyeen kulanka lugta hore, Blues waxay raadin doontaa weerarada gaadmada ah, laakiin ku sugnaanshiyaheena gudaha jamaahiirta Cump Nou ayaa inoo suuragalinaya inaan ka gudubno imtixaankan adag”.

Laacibka kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan rajeynayaa inaan kula guuleysan doono dhamaan tartamada oo idil kooxda Barcelon, kadib koobka aduunka sababtoo ah waa tartanka kaliya ee iga maqan”.

Jordi Alba oo xaqiijinayay in kooxdiisa ay ila iyo iyo haatan qaadatay xili ciyaareed cajiib ah ayaa wuxuu yidhi: “Waxaan soo bandhignay ilaa iyo haatan xili ciyaareed wanaagsan, waa run in aan la ciyaareyno koox ku ciyaareysa qaab difaaceen adag, laakiin waxaan heysanaa ciyaaryahano karti leh ee sameyn kara baasas aysan arki karin kuwa ka soo horjeeda waxaana ka faa’iideysan karnaa iyaga”.

Alba ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay qaab ciyaareedka wanaagsan uu xili ciyaareedkan qaadanayo wuxuuna yidhi: “”Waxaan dareemayaa inaan si fiican ugu raaxeesanayo garoonka dhexdiisa waxaanan isku dayayaa inaan sii wanaajiyo oo aan sii wato barashada waayo-aragnimo badan”.

Xidiga kooxda Barcelona ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan heysanaa nooca ciyaaryahanada leh tayo ay kusoo bandhigi karaan baasaska aysan arki Karin ciyaartoyda kasoo hor jeeda, sidaas darteed waxaa suuragal ah in dhankaas aan kaga faa’ideysano”.

Si kastaba kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League ay labada kooxood Chelsea iyo Barcelona kuwada ciyaareen garoonka Stamford Bridge ee magaalada London ayay labada kooxood barbaro 1-1 ah kula soo kala baxeen kaas oo culays ku ah Blues.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR