Jorginho oo Hogaaminaya Saxiixyadii ugu wanaagsanaa ee shanta horyaal ee qaarada yurub.

Majalada goal ayaa shaacisay 11 Xiddig oo ay u aragto in ay ahaayeen saxiixyadii ugu wanaagsanaa ee suuqii xagaaga ay sameeyeen kooxaha ka ciyaara horyaalada qaarada yurub.

Laacibka kooxda Chelsea Jorginho ayaa yimid garoonka Staform Bridge isagoo kasoo dhaqaaqay naadiga reer talyaani ee Napoli suuqii xagaaga.

Boqorka baasaska ee kooxda Blues ayaa si wacan ku bilaawday Xilli ciyaareedkan waxaana uu kamid yahay udub dhexaadka Chelsea.

Dhanka kale Ciyaaryahan Paco Alcacer ayaa kasoo muuqday liiskan maadaama uu suuqii xagaaga ku biiray kooxda Borussia Dortmund.

HADDABA WAA KAN LIISKA 11KA SAXIIX EE UGU WANAAGSAN SHANTA HORYAAL EE QAARADA YURUB.

1- Rui Particio: Wolverhampton wanderers

2- Paco Alcacer: Borussia Dortmund

3- Jonathan Bamba: Lille

4: Gonzalo Higuain: Ac milan

5- Krzysztof Piatek: Genoa

6: Jorginho: Chelsea

7- Alassane Plea: Borussia Monchengladbach

8- Joe Cancelo: Juventus

9: James Madison: Leciester city

10- Richarlison: Everton

11- Andre Silva: Sevilla

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR