Jose Mourinho Oo La Sheegay In Uu Haatanba Doortay Kooxdiisa Cusub

Jose Mourinho ayaa iska diiday in uu tababare u noqdo kooxda Lyon waxana uu Madaxweynaha Kooxda Lyon ee Jean Michel Aulas haatanba sheegay in uu Jose Mourinho doortay kooxdii uu tababaraha u noqon lahaa.

Tababaraha ku magaca dheer “The Specail One”ayaa doonaya in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo waxana lala xidhiidhinayay in uu Lyon shaqada ka badalo tababare Sylvinho.

Laakiin Jose Mourinho ayaa diiday shaqadaas sababta oo ah waxa uu haatanba go’aan ka gaadhay Mustaqbalkiisa.

Madaxweynaha Lyon oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan wada qaadanay wadahadal daacad ah waxana ay u fiicnayd qof walba”.

“Muu Aqbalin shaqada Lyon sababta oo ah waxa uu haatanba doortay kooxdiisa cusub”.

Madaxweynaha Lyon ayaan shaacin kooxda uu Jose Mourinho doortay laakiin Waxa tababaraha lala xidhiidhinayaa kooxaha Tottenham iyo Real Madrid kuwaas oo ku dhibaatoonaya tababarohooda haatan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR