Jose Mourinho Oo La Waydiiyay Haddii Uu Jeclaan Lahaa Xilka Tababarenimo Ee PSG & Jawaabta Uu Bixiyay.


Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho oo u warramayay wargeyska ree France ee L’Equipe ayaa ka hadlay wax ku saabsan kooxda Paris Saint-Germain iyo haddii uu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo.

Mourinho ayaa xilli ciyaareedkan ku bilawday kursiga keydka ee Man United balse natiijo xumo soo food saartay iyo isku dhacyo dhex maray xiddigaha qaar ayaa keentay in uu ugu dambayn ka baxo Old Trafford.

Intaa kaddib Special One ayaa soo ahaa mid qayb ka ah khubarada soo fadhiisata TV-yada ee ka faalooda ciyaaraha isaga oo wali sugaya shaqadiisa tababarenimo ee xigta xilli ciyaareedka cusub.

Dhinaca kale PSG ayaa markale soo qaadatay xilli ciyaareed xun oo tartanka Champions League ah iyaga oo kaliya kusoo guuleystay horyaalka waana sababta keentay in lasoo hadal qaado cid bedelaysa tababaraha haatan ee Thomas Tuchel.

Haddaba, Wargeyska L’Equipe oo weydiiyay Mourinho haddii uu jeclaan lahaa tababarista Paris ayuu Jose ku jawaab celiyay “Waa wax aan macquul ahayn, Ma tababari karaysid koox horeba u haysata qof shaqada ku jira”

Dhinaca kale Mourinho ayaa hoos u dhigay sumcada kooxda ree France isaga oo ku sheegay mid ciyaartoy wanaagsan haysata balse aan wali waxba ka samayn tartamada qaarada Yurub.

“PSG waa koox haysata saadaalin mustaqbaleed oo caalami ah iyaga oo haysta ciyaartoy heerkaas ah oo heer sarre ah laakiin iyagu wali waxba kagamay guulaysan Yurub taasina waa wax aad u muhiim ah”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR