Jose Mourinho Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Soo Laabanaya Premier League, Kooxdee Ayuu Doonayaa?.

Tababarihii hore ee kooxaha Man United iyo chelsea ayaa doonaya in uu shaqada tababaranimo ka badalo tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino sida ay sheegayaan wararku.

Pochettino Ayuu cadaadisku ku sii kordhayaa kadib sida xun ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in tababare Jose Mourinho uu isha ku hayo shaqada tababaranimo ee kooxda Tottenham.

Mourinho ayaa bilaa shaqo ahaa tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada Man United xilli ciyaareedkii hore.

Tababaraha reer Portugal ayaa ka fiirsanaay dookhiisa isaga oo iska diiday shaqooyin badan oo loo soo bandhigay xilli uu shaqada Tottenham u arko mid u fiican isaga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR