Jose Mourinho Oo Telefoon Kala Hadlay Florentino Perez Si Uu U Waydiisto Xidig Uu Dhibaatada Dhaawicii Harry Kane Ku Xaliyo.


Advertisements


Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez waydiistay in uu u ogolaado xidig ka tirsan Madrid kaas oo uu Mourinho doonayo in uu ku xaliyo dhibaatada dhaawicii Harry Kane.

Sida uu qoray wargayska Daily Star, Jose Mourinho ayaa doonaya in uu Real Madrid kala soo wareego gool dhaliyaha aan fursada fiican helin ee Luka Jovic kaas oo inta badan kursiga kaydka Madrid ku soo qaatay.

Zinedine Zidane ayaa afar kulan oo kaliya ku soo bilaabay shaxdiisa Luka Jovic inkasta oo ay Madrid suuqii xagaagii xidigan ka soo bixisay 51 milyan gini.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Jose Mourinho uu telefoon kala hadlay madax waynihiisii hore ee Florentino Perez oo ay wali xidhiidh fiican leeyihiin isla markaana uu waydiistay Luka Jovic.

Jose Mourinho ayaa suuqa ka doonaya gooldhaliye fiican oo uu ku sii xaliyo dhibaatada uu kooxdiisa Tottenham u keenay dhaawicii halista ahaa ee soo gaadhay Harry Kane.

Luka Jovic ayuu Zidane shaxdiisa ku soo bilaabay kulamadii Spanish Super Cupka ee Saudi Arabia ka soo qabsoobsoomay markaas oo ay Karim Benzema iyo Gareth Bale dhaawacyo ku maqnaayeen.

Laakiin ilaa hadda lama oga haddii uu Florentino Perez aqbalay dalabka uu Jose Mourinho ku doonayo Luka Jovic.

Advertisements


Si kastaba ha ahaatee, Jose Mourinho ayaa doonaya in uu gool dhaliye la soo saxiixdo inta aanu xidhmin suuqa bishan January ee 11 ka maalmood ka hadhsan yihiin.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR