Juan Mata oo aaminsan in la guda galay bilooyinkii Man United ugu muhiimsanaa

 

Cayaaryahan Juan Mata ayaa soo jeediyay in xidigaha Man United hurada ka kacaan sidoo kalena feejignaan dheeraad ah muujiyaan sedexda bilood ee nagu soo fool leh.

Mata ayaa aaminsan November ilaa Janaayo 2017 inay yihiin bilooyinka ugu muhiimsan xili cayaareedkan ee laga cabir qaadan karo waxa Man United u hirgali karo 2017/18.

Juan Mata wuxuu yiri “Waxaan tababarka kooxda kusoo laabanay anagoo og in la galay bilooyinkii ugu muhiimsanaa xili cayaareedkan”

“Laga bilaabo kulanka New Castle sabtiga ilaa dhamaadka bisha Janaayo jadwal mashquul badan ayaan gali doonaa waxaana qasab ah inaan safka hore horyaalka ka muuqano mudadaas”

Juan Mata iyo kooxdiisa Man United waxay 8-dhibcood ka hooseyaan kooxda Man City ayadoo haatan la cayaaray Premier League 11-kulan waxaana la guda gali doonaa xiligii ugu mashquulka badnaa xili cayaareedkan.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR