Jurgen Klopp oo hadda ka jawaabay bixitaankii Emre Can.

Macallin Jurgen Klopp ayaa caddeeyay inuusan wax dhib ah ku qabin bixitaankii Emre Can oo xagaagan ku biiray kooxda Juventus.

Liverpool ayaa heshiis uu kusii joogo Anfield u bandhigtay Can, balse waa uu ku gacan seeray si uu ugu biiro kooxda ciyaarta Serie A.

Klopp ayaa sheegay inuusan dhibaato ku qabin in uu hayaamo laacibka khadka dhexe isagoona u rajeeyay inuu u wacnaado xilligiisa Bianconeri, waxaana uu sheegay inuu weli xiriir fiican la leeyahay xiddigga reer Germany.

Macallinkii hore ee Borussia Dortmund ayaa hoos u dhigay inay xurguf dhex martay isaga iyo Can, balse 24-jirka awoodda badan uu jecleystay inuu ka weecdo England oo uu afar sano ku sugnaa.

Klopp ayaa ka war helay bilooyin ka hor inta uusan xiddiggii hore ee Bayern Leverkusen ku dhawaaqin inuu ka tagayo kooxda Liverpool, taasna ay u sahashay inuu qorsho fiican u diyaarsado suuqa xagaaga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR