Juventus iyo Barcelona oo afar ciyaaryahan saxiixooda ku dagaallamaya, laba ka mid ahna isku koox yihiin!

Kooxaha Barcelona iyo Juventus ayaa si aad ah ugu mashquulsan suuqa kala iibsiga bisha January inay lasoo wareegaan xiddigo cusub.

Tuttosport ayaa werrineysa in labada kooxood ay ku hardamayaan saxiixyo xiddigo dhowr ah oo heer caalami ah.

Majaladda kasoo baxda magaalada Turin ayaa daaha ka rogtay in Juve iyo Barca ay wada doonayaan xiddigaha kala ah Matthijs de Light, Frankie de Jong, Adrien Rabiot iyo Paul Pogba.

De Ligt iyo de Jong ayaa labada qandaraas kula jira kooxda Ajax, halka labada xiddig ee reer France ay doonayaan inay kooxahooda ka tagaan.

PSG ayaa dhowr jeer isku dayday in Rabiot ka dhaadhiciso inuu nagi kusoo ahaadp Ligue 1, hase ahaatee, matoorka khadka dhexe ayaa si cad ugu sheegay kooxdiisa inuu doonayo ka tegitaanka Parc des Princess, halka Pogba uu go’aansaday inuu Old Trafford dhabarka tuso maadaama ay dirir kala dhexeyo Macallin Jose Mourinho.

Si kastaba ha ahaatee, Xiddigga Manchester United ayaa ay kooxdiisa dooneyn inay si sahal ah u iibiso, Paris Sait-germain khadkeeda dhexe loollankiisa uu yahay mid adag isla markaasna ay kooxo dhowr ah doonayaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR