Ka billaw Zidane illaa iyo Beckham, Pele illaa Rooney! 10 ciyaaryahan oo caan ah kuwaas oo ku fashilmay jilliinka aflaamta.

Jilitaanka iyo sameynta aflaamta waa xirfad ka madax bannaan ciyaarista kubadda cagta.

Halka kubadda cagta ay tahay xirfad kale oo gaar ah, balse labadooda ayaa ka siman in laga sameeyo magac iyo muunad ballaaran.

Waxaa jira ciyaartoy dhowr ah oo isku dayay inay wax ka jilaan filimo isla markaasna doorkooda ay kasoo bexeen.

Balse way adagtahay in xiddig walba oo kubadda cagta ku xamaasha inuu kusoo baxo jilaa fiican.

Sidaas darteed, sheekadan waxa aynu ku eegi doonnaa 10 ciyaaryahan oo caan ah kuwaas oo ku guuldarreystay inay kasoo dhalaalaan aflaam ay wax ka jileen.

1. David Beckham

Halyeygii hore ee Manchester United iyo qaranka England ayaa ku fashilmay inuu kusoo bandhigo qaab jilliin laga daba dhacay filimkii King Arthur Legend Of Th Sword.

2. Stan Collymore

Weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Nottingham Forest ayaa ku jilayay door ciyaaryahan filimkii Basic Instinct 2.

3. Wayne Rooney

Laacibka ugu goolasha badan taariikhda Manchester United iyo qaranka England ayaa muuqaalka jiliinkiisa uusan ahayn mid dadka cajabiya oo lala dhaco qaabkii uu jilay filimkii Wine Advert.

4. Sir Bobby Charlton

Bobby isna ku gudarreystay inuu awood ku yeesho Hollywood-ka, isagoo ka qayb ahaa filimkii Jossy’s Giants.

5. Pele

Boqorkii kubadda cagta lagu xushmeyn jiray waxa uu ahaa mid ku wacan ka ciyaarista gudaha garoonka, balse jilitaankiisii filimka Escape a Victory ayaa noqday mid aan lasii hadal heyn.

6. Ally McCoist

Laacibkii hore ee Sunderland iyo Rangers ayaa kasoo bixi waayay jilliin ahaan filmkii A Shto at Glory.

7. Michael Owen

Ku guuleystaha Ballon d’Or hal jeer ayaa ku guuleysan waayay inuu noqdo jilaa aad u wacan ka dib bandhiggiisii xiisaha la’aa ee A Whiskey Advert.

8. Alan Shearer

Gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka Premier League-ga ayaa soo jiidasho fiican ku sameyn waayay filimkii Goal.

9. Ian Wright

Ugu yaraan waa uu ka darajo fiicnaa Michael Owen iyo Wayne Rooney, hase ahaatee xiddiggii hore ee Arsenal waxa uu ku fashilmay jilliinka Gun of the Black Sun.

10. Zinedine Zidane

Captain-kii hore ee qaranka France ayaa qayb ka ahaa mid ka mid aflaamtii ugu qiimaha liitay sanadkii 2007, balse si gaar ah, sheekada filimka Asterix at the Olympic Games iyo qaabka uu u wajahay ma aysan ahayn mid lagu xasuusan karo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR