Ka Hor Finalka UCL, Jose Mourinho Oo U Duur Xulay Jurgen Klopp & Mauricio Pochettino.


Jose Mourinho oo hadda isku badalay khabiir kubbada cagta ka faalooda ayaa u duur xulay Jurgen Klopp iyo Mauricio Pochettino ka hor finalka Champions League.

Jose Mourinho ayaa su’aal galiyay wax qabadkii koobabka ee Mauricio Pochettino wuxuuna is waydiiyay haddii uu Pochettino wax koobab ah ku soo guulaystay halka uu ka hadlay in Klopp uu markii saddexaad joogo finalka Champions league oo aanu wali ku guulaysan.

Jurgen Klopp iyo Mauricio Pochettino ayaa ugu danbayn midkood ku guulaysan doonaa UEFA Champions league laakiin Mourinho ayaan garanayn sida uu noqon karo dareenka Klopp haddii aanu koobkan ku guulaysan.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan hal dhibic ku seegtay Premier league wuxuuna dhawaan Mourinho bixiyay waraysigii abid ugu fiicnaa ee uu Liverpool ugu amaanay si aan la rumaysan karin isaga oo xataa Klopp markaas ku tilmaamay mid quluubta ciyaartoydiisa hantay.

Mourinho oo Mauricio Pochettino u duur xulaya ayaa yidhi: “Isagu muxuu ku guulaystay? Koobkee? Anigu waxaan u khushuucaa ama la dhacaa Mauricio iyo Jurgen. Labadoodaba waxay u qalmaan in ay wax wayn gaadhaan”.

“Ma jiro wax ka wayni in aad koobkan sare u qaadaa, laakiin mid ka mid ah ayaa iyaga guuldaraysan doona” ayuu Mourinho hadalkiisa sii raaciyay.

Jurgen Klopp ayaa laba jeer oo hore ku soo fashilmay finalkii Champions League isaga oo markii hore oo Bayern Munich koobkan u waayay markii uu Borussia Dortmund joogay halka xili ciyaareedkii hore uu Real madrid koobkan u seegay.

Jose Mourinho oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Jurgen waxa uu ciyaari doonaa finalkiisii saddexaad, anigu ma qiyaasan karayo sida ay taasi dareenkiisa ku tahay in uu isagu finalkii saddexaad ciyaarayo oo aanu ku guulaysan”.

Jose Mourinho ayaa markii uu Man United joogay waxa uu Jurgen Klopp iyo Mauricio Pochettino ku duri jiray in kubbad qurux badan ayna waxba tarayn balse loo baahan yahay in koobab lagu guulaysto.

Liverpool ayaa doonaysa in ay murugadii koobka Premier league isku dhaafiso ku guulaysiga koobka Champions league taas oo ay u arkaan waxa kaliya ee ay ku samri karaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR