Kaalinta haweenka ee qoraalka (WQ: Amal Gilin)

Wadamada dunida saddexaad laysku yidhaa, waxa lagu tiriyaa in aqoontooda wax akhris iyo midda qoraalba aad u hoosayso. Soomaali ahaanna dhaqankeenu waxa uu ku dhisnaa dhag-maal, kaas oo aqoon ahaan mid xaddidan ahaa, balse sannadihii ugu danbeeyay waxa kobac ku yimid dhanka akhriska iyo qoraalka, in kasta oo haweenka dhankaas kobaca lagaga badan yahay.

In aad wax qorto waxa ka horaysa in aad wax badan akhrido, qofba qofka uu ka akhris badan yahay waa uu ka aqoon badan yahay, ka waaya-aragsan yahay, ka xogmaal badan yahay, isla markaana ka tixraac iyo taariikh dheer yahay. Wax akhrisku waa qayb nolosha ka mid ah, waana waxa ummadduhu horumarka ku gaadheen, ee dunidan horumartay isku dhaafeen, dhan kalana akhrisku waa laf dhabarka qoraaga.

Haddaba maadaama ay haweenku aad ugu yar yihiin dhanka qoraalka, waxa is waydiin mudan, maxa ay tahay caqabadaha ama dhibaatooyinka ka hortaagan dhanka qoraalka, taas oo keentay in ay raggu kaga horeeyaan hadday tahay Buuggaagta, maqaalada, magasiinada iyo waliba joornaalkaba? Sidoo kale maxaa ay haweenku ugu yar yihiin dhanka turjumista, gorfaynta iyo waliba tifatirka buuggaagta?.

In aad ogtahay dhibaatada jirta badanaa waxa ay qayb laxaad leh ka qaadataa in aad heshid xalkeeda. Halkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa qaar ka mid ah caqabadaha haweenka ka hor taagan in ay wax qoraan. Qodobada aan anigu Amal ahaan daraaseeyay ee aan u arko in ay muhiim yihiin in la xuso intii aan mowduucan diyaarintiisa ku guda jiray. Sidoo kale wixii aan xal u arkana talo ahaan ban idin kula wadaagi doonaa, aan ku horeeyo caqabadaha:

  1. Masuuliyadda haweenka ee guriga.

Haddii aynu nahay soomali, howsha guriga waxa ay masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay haweenka, waxa ku gadaaman duruufo nololeed iyo mid nafsiyeed oo guryaha ka haysta, gabadhu mar waa Hooyo oo caruur korin bay wakhti badan ku bixisaa, marna waa inan oo ka shaqaynta iyo nadaafadda gurga ayaa ay ku howlan tahay.

Halka ninku wakhtiyada uu guriga joogo uu haysto firaaqo badan oo dhankuu doono uu uga faa’iidaysan karo. Haddii ay haweenku firaaqadaas haysan lahaayeen waa ay yaraan lahaayeen caqabadaha badanka ka haysta akhriska iyo qoraalka.

  1. Sicir barar buuggeed.

Akhrisku waxa uu u dhexeeyaa akhriyaha iyo waxa la akhrinayo. Haddaba ka hor inta aanad wax qorin waxa muhiim ah in aad wax badan ka soo akhrido oo aad xogogaal u tahay mowduuca aad wax ka qorayso. Akhriskana waxa asal u ah in la helo wixii la akhrinayay oo buuggaagta ama kutubta ah, sidaas daraadeed qiimaha ay buuggaagteenu suuqa ku yaalaan oo ah mid aad u qaaliya, dad badan ma awoodaan in ay iibsadaan hal buug wax ka badan.

Taasna waxa ay keenaysaa in wax badan oo la akhriyo la waayo maadaama buuggii qaali yahay qiimaha lagu iibinayaa. waxayna qayb ka noqonaysaa caqadabada dad badan ka hor taagaan qoraalka.

  1. Adkaysi iyo samir la’aan.

Wax qoristu inta badan maaha wax lagu raaxaysto, balse waa wax u baahan dadaal iyo dhabar adayg dheeri ah oo maskaxeed, kaas oo uu qofku galiyo waxa uu qorayo. Haween badani ma u adkaysan karaan saacadaha badan ee ay wax qorayaan. Waxaana muhiim ah in aad hadaf iyo himilo fog ka leedahay mowduuca aad rabto in aad qoraal ka diyaarisaa. Samir la’aantaas baa keenaysa in haweenka ay ku yaraadaan dhanka qoraalka

  1. Tabar-dari luuqadeed.

Markasta oo aad jeceshahay in aad wax qorto, waxa muhiim ah in aad raadiso mowduuca aad wax ka qorayso dad hore oo wax uga qoray si ay tixraac kuugu noqoto. Haddaynu soomaali nahayna way yar yihiin buuggaag badan oo af-soomaali ku qoran oo hal mowduuc ka wada hadlaya. Waxa lagama maarmaan ah in aad akhriyi karto buuggaag kale oo ku qoran luuqado qalaad. Luuqadda uu qofku wax ku akhrinayaana waxa ay ku noqon kartaa caqabad iyo dhibaato, haddii aanu si fiican u fahamsanayn luuqadaasi.

  1. Haweenka oo aan ku baraarugsanayn faa’iidada qoraalka.

Xiise iyo xammaasad uma hayaan inta badan in ay wax qoraan haweenku. Aqoonyaanka, waalidiinta, macalimiinta iyo wax garadka oo ka gaabiyay in ay haweenka ku baraarujiyaan kaalinta muhiimka ah ee uu akhriska iyo qoralku nolosha kaga jiro, isla markaana ay ku tobabaraan akhriska joogtada ah. Dadkan aan soo xusay inta badan waa indhihii ay bulshadu arkaysay, iyaga ayaana laga rabaa oo ay masuuliyad iska saaraan in ay dadka ku baraarujiyaan akhriska iyo qoraalka.

Guntii, gabagabadii iyo waliba gunaanadkii waxa aan talo ahaan u arkaa si aynu uga gaashaamano caqabadahaas aan kor ku soo xusay, in dhalinyarada siiba haweenka lagu baraarujiyo akhriska iyo qoraalka, howshaasna ay xil gaara iska saaraan iskuulada, jaamacadaha, maxadyada iyo waliba dhammaan goobaha wax lagu barto. In ardayga lagu dhiirigaliyo in uu buugga ku tiirsanaado, maadooyinkiisana loogu daro xiisad wax akhris, si uu la qabatin ugu sameeyo, waayo geedku marka uu yar yahay baa la toosin karaa.

Amal Gilin

Amalgilin@gmail.com

Facebook page: Amal Gillin

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR