Kabtan Icardi oo tababarka Inter di ugu soo laabtay diyaarna u ah kulanka Atlanta

 

Mauro Icardi dhaawac dhanka jilibka kasoo gaaray ayuu ku seegay kulamada saaxiibtinimo ee xulka Argentina maal mahan cayaarayaan.

Balse naadiga Inter Milan wax cabsi ah ma qabto madaama kabtankooda Icardi uu maanta tababarka kooxda kasoo muuqday.

Icardi dhaawaca dhanka jilibka wuxuu soo gaaray kulankii ugu dambeeyay Inter 1-1 la dhaafi weesay naadiga Torino balse haatan waqtigii loo qabtay ayuu tababarka kusoo laabtay.

Macalin Spaletti ayaa ku kalsoon Icardi inuu cayaari karo kulanka Axada Inter garoonka San Serio ku qaabileyso naadiga Atlanta waxayna Inter u baahan tahay guul si ay loolanka Serie A-da usii wado ayadoo haayan booska sedexaad fadhiso.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR