Kadib Aflagaadadii & Bahdilaadii Jamaahirta PSG Ee Neymar Jr, Xidiga Ree Brazil Oo Jawaab Cajiib Ah Bixiyay.


Markii magaca Neymar Jr laga yeedhiyay garoonka kooxda PSG ee kulankii Strasbourg, waxaa qaylo iyo orin kaga falceliyay taageerayaasha kooxda PSG ee loo yaqaan CUP ultras kuwaas oo cadho wayn ka muujiyay in Neymar uu kooxdoodu kulankan u ciyaarayay.

Kadib aflagaado ay ku heesayeen, orin joogto ah oo ay kula kaceen markasta oo uu Neymar Jr kubbad taabto iyo waliba boodhadh waa wayn oo erayo aflagaado ah lagu soo xardhay, haddana Neymar Jr ayaa noqday midka ka guulaystay taageerayaashan.

PSG ayaa barbaro gool la’aan ah kula jirtay kooxda martida u ahayd ee Strasbourg ilaa intii la soo gaadhayay daqiiqadii 90 aad ee dhamaadkii ciyaarta, waxaana la soo gaadhay waqtigii uu Neymar Jr jawaabtiisa bixin lahaa.

Iyada oo Neymar Jr uu u soo adkaystay cay afka ah, qoraalo bahdilaad ah iyo waliba orinta joogtada ahayd, waxa uu kadib noqday midka neefta dib ugu celiyay kuwii eedaynayay kadib markii u daqiiqadii 92 aad dhaliyay goolka kowaad ee PSG.

Haddii ayna waxba ku qaadan goolka uu PSG ku badbaadiyay waxa uu Neymar Jr goolkiisa labaad dhaliyay daqiiqadii 95 aad ee dhamaadkii ciyaarta si uu taageerayaasha PSG ee aflagaadada u gaystay u tuso waxa uu qaban karo.

Neymar Jr oo kulankiisii ugu horeeyay ee PSG ee xili ciyaareedkan saftay ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul 2-0 ah oo uu labada goolba dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta waxayna jawaab cad u ahaayeen kuwii aflagaadada u gaystay.

Jaamaahiirta kooxda PSG ayaan waxba ula hadhin Neymar Jr intii ay ciyaartani socotay laakiin waxa uu noqday midka kooxdooda ka badbaadiyay niyadjab ay la kulmayeen.

Hadda waxa la sugayaa in macalinka kooxda PSG e Thomas Tuchel uu ka hadlo dhacdooyinkii foosha xumaa ee Neymar Jr lagula kacay iyada oo waliba ay PSG isha ku hayso kulanka Real Madrid.

Halkan ka daawo mid ka mid ah goolashii Neymar Jr oo cajiib ahaa kaas oo uu neefta dib ugu celiyay kuwii ku orinayay.

Si kastaba ha ahaatee, aflagaado kasta iyo orin kasta oo uu Neymar Jr kala kulmay taageerayaasha mayalka adag ee kooxdiisa PSG, waxa uu haddana noqday xidiga kooxdiisa guusha ku hogaamiyay ee iyagana neefta ku celiyay.

Halkan ka daawo muuqaalka habkii ay taageerayaasha PSG ula dhaqmeen Neymar intii aanu goolashan dhalin.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR