Kadib Dhaawacyada Dhul Gariirka Ah Ee Laporte & John Stones-Guardiola Oo Magacaabay Saddexda Xal Ee Uu Dhibaatadan Ku Maarayn Doono.


Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka Champions League ee Shakhtar Donetsk ayaa soo bandhigay saddexda ciyaartoy ee uu ku xalin doono musiibada dhaawacyada difaacyada kooxdiisa soo wajahay.

Man City waxay ka hor kulanka Shakhtar Donetsk wayday John Stones oo uu dhaawac muruqa ahi soo gaadhay saaka intii ay ku jireen tababarka diyaar garowga kulanka Shakhtar waxaana ka horeeyay Laporte oo ay City u jabtay.

Laakiin Guardiola ayaa ku dooday in uu jecel yahay xaalad sidan oo kale ah isla markaana uu samayn doono saddex xal oo ay tahay in uu kaga baxo dhibaatada kooxdiisa ku habsatay.

Pep Guardiola ayaa sheegay in bilaha soo socda uu kooxda kowaad uga yeedhan doono labada da’yar ee Eric Garcia iyo Taylor Bellis si uu dhibaatada kooxdiisa ugu xaliyo wuxuuna sidoo kale sheegay in Fernandinho uu noqon doono xalka saddexaad ee ugu muhiimsan ee uu haysto.

Fernandinho ayaa leh awood buuxda oo uu kaga ciyaari karo difaaca dhexe laakiin walwalka ugu wayn ee uu Guardiola la kulmi karo ayaa ah in ay isfahmi kari waayaan Nicolas Otamendi oo ah difaaca dhexe ee kaliya ee Man City taamka u ah.

Guardiola oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka Shakhtar ayaa yidhi: “Saaka John Stones wuu dhaawacmay. Dhibaatadu waa murqa, wuxuuna maqnaan doonaa isagu afar ilaa shan todobaad”.

Guardiola ayaa tartan layaableh ku tilmaamay xaalada uu ku wajahayo kooxdiisa Man City wuxuuna yidhi: “Waa tartan aan la rumaysan karin in aad hal difaac dhexe oo akliya haysataa. Fernandinho iyo laga yaabee Eric Garcia iyo Taylor Bellis ayaa dhawrka bilood ee soo socota iman kara”.

“Anagu cabasho kama dhigan doono in ayna ciyaari karin. Kubbadu cagtu ma aha sida aad ula tacaasho xaaladaha fiican ee waa sida aad u maarayso kuwa xun” ayuu Guardiola hadaliisa raaciyay.

Guardiola ayaa ku faanay koobabkii uu Man City kula soo guulaystay oo uu ku tilmaamay kuwo aan hadiyad ahaan loo siin wuxuuna yidhi: “Waxaanu ku soo guulaysanay todoba koob, ma jirto cid anaga wax na siisay, naftayada ayaanu u shaqaynay. Anigu tartanka diyaar ayaan u ahay, waanan jecelahay xaaladan”.

Eric Garcia oo 18 sano jir reer Spain ah oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay saddexdii kulan ee uu xili ciyaareedkii hore ka soo muuqday kulamadii Carabao Cup, waxa kabtan u ahaa kooxda da’yarta City ee guusha 2-1 ka ahayd ka gaadhay Hoffenheim ee tartanka UEFA Youth League.

Xidiga labaad ee uu Guardiola sheegay in uu dhibaatada difaaciisa ku xalin doonaa waa Taylor Bellis oo 17 sano jir ah kana tirsan kooxda da’yarta Man City ee U-23, wuxuuna da’yarkan soo matalay kooxaha da’yarta xulka England.

Inkasta oo Guardiola uu sheegay in Eric Garcia oo 18 sano jir ah iyo Taylor Bellis oo 17 sano jir ah uu kooxda kowaad u soo dalacsiin doono, haddana waxaa loo arkaa in doorashada kaliya ee uu isku halayn karaa tahay Fernandinho oo ka garab ciyaari doona Otamendi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR