Kaka “Neymar Ballon d’Or wuu ku guuleesan doonaa marka Messi iyo Ronaldo waayahooda soo idlaado”

 

Halyee Kaka oo sanadii 2007 ku guuleestay abaal marinta Ballon d’Or sidoo kale ah cayaaryahankii ugu dambeeyya biladaan hanto madaama 10-kii sano ugu dambeesay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo qeebsanayeen.

Hadaba Kaka ayaa niyada u dhisay saaxiibkiis Neymar oo ay Brazil kasoo wada jeedaan wuxuuna aaminsan yahay inuu Ballon d’Or Neymar maalin un ku guuleesan doono.

Kaka wuxuu yiri “Kubada cagta ma ahan sida seyniska oo kale lama qiyaasi karo waxa xiga ee dhici doono, laakiin waxaan dhihi karaa guuleestaha xiga Ballon d’Or Neymar wuu noqon karaa marka awooda Messi iyo Ronaldo soo idlaato”

Kaka oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Waa wax cajiib badan ku guuleysiga biladaha shaqsiyadeed sidoo kalena qof walbo wuxuu jecel yahay inuu bilad hanto”

“Marwalbo waxaan u mahad celinaa saaxiibadeydii sida ay ii caawin jireen gaar ahaan kuwii Milan aan usoo wada cayaarnay”

“Waxaana Neymar u rajeynaa inuu helo koox ama saaxiibo ku caawiyaan riyadiisa ah inuu Ballo d’Or ku guuleesto”

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR