Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabada lagu furayay Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare & Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe, Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaano , waxgarad siyaasiyiin & marti sharaf kale .

Qaar ka tirsan waxgaradkii ka qeyb galay ayaa qudbado isugu jira dhaliil & amaanba u soo jeediyay Baarlamaanka Hirshabeelle waxayna ugu baaqeen in howlaha laga sugayo ay bulshada u qabtaan.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cisman Barre Maxamed & Guddoomiyaha Baarlamaanka Marwo Canab Cabdi Ciise oo khudabdo ka jeediyay ayaa kaga hadlay waxqabadka Baarlamaanka iyagoo sheegay in ay qeyb ka ahayd isbedelkii hoggaanka sare Doorasahada & Xil ka qaadista intaba.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe oo hadal kooban ka soo jeediyay ayaa ugu sheegay in horumar lagu gaari karo Midnimo & Iskaashi dhex mara Golaha Sharci dejinta & Golaha fulinta intaba.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka isagoo bogaadiyay booqasahada Madaxweyne farmaajo ku marayo Puntland wuxuuna sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo amniga .

Furista Kalfadhigga 3aad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa hore dib u dhac uu ugu yimid dhowr goor, iyadoo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR