KARTUUNKA MAANTA: Dayuurad Helicopter ah oo sida koobka Premier League, Lukaku oo xariga loo jaray & Rodriguez oo…

Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay xalay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, kaddib markii kooxda ku soo xigtay ee Man United ay guuldarro 1-0 kala kulantay West Brom.

Waa markii shanaad oo ay Manchester City qaato horyaalka Ingiriiska kaddib xilli ciyaareedyadii 1936–37, 1967–68, 2011–12, 2013–14.

Haddaba hanashada horyaalka Premier League ee Man City iyo jabkii gaaray kooxda kaalinta labaad ee Man United xalay ayaa laga sameeyey Kartuun maad leh.

Man United ayaa horay uga diiday Man City inay koobkan ugu dabaal degto garoonkeeda Etihad, laakiin garoonka Old Trafford ayay xalay ku xaqiijisatay inay ku qaaday horaalka Premier League kaddib markii halkaas ay West Brom uga adkaatay kooxda Jose Mourinho 1-0.

Kartuunka ayaa waxa uu yahay Helicopter midabkeedu Buluug yahay ay ku xardhan tahay astaanka kooxda Man City oo sida koobka horyaalka Premier League, waxaana xarig dayuurada ka laad-laaday haystay Weeraryahanka Man Utd ee Rumelo Lukaku, laakiin waxaa xariga u jaray xiddiga kooxda West Brom ee Jay Rodriguez oo go’aamiyey in City ay qaado koobka horyaalka.

HALKAAN HOOSE KA EEG KARTUUNKA MAANTA:-

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR