KASHIFAAD: Sidee Ayuu Cristiano Ronaldo Ku Bilawday Koobka UCL Shantii Sanno Ee Lasoo Dhaafay?

APOEL Nicosia ayaa noqon karta kooxdii ugu dambeysay ee dhibane u ah Cristiano Ronaldo marka la joogo koobka UEFA Champions League, iyadoo caawa oo Arbaco ah ka hor imaaneysa Real Madrid, difaacdeyaasha koobka Kooxaha Yurub.

CR7 ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku bilowday tartanka UCL shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, marka laga hadlayo ciyaaraha furitaanka heerka guruubyada koobkaan.

Real Madrid ayaa dib u heli doonta Ronaldo kaasoo kulamadii ugu dambeeyey ee maxalliga ahaa ganaax ku seegay ciyaaraha kooxdiisa, waxaana la filayaa inay markale soo laabtaan goolasha daadka ah ee Los Blancos.

GOOLASHA CRISTIANO RONALDO IYO SIDA UU KU BILOWDAY SHANTII SANNO EE UGU DAMBEYSAY KOOBKA UCL

  • Xilli ciyaareedkii 2012/13 – Wuxuu wajahay kooxda Manchester City (1 gool)
  • Xilli ciyaareedkii 2013/14 – Wuxuu wajahay kooxda Galatasaray (3 gool)
  • Xilli ciyaareedkii 2014/15 – Wuxuu wajahay kooxda Basle (1 gool)
  • Xilli ciyaareedkii 2015/16 – Wuxuu wajahay kooxda Shakhtar (3 gool)
  • Xilli ciyaareedkii 2016/17 – Wuxuu wajahay kooxda Sporting (1 gool)

Shaxda sarre ayaa kuu caddeyneysa inuu Ronaldo guud ahaan sagaal gool ka dhaliyey ciyaaraha furitaanka guruubyada ee tartanka UCL shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

Dinamo Zagreb ayaa aheyd kooxdii ugu dambeysay ee Ronaldo shabaqeeda ka ilaashatay ciyaarta furitaanka heerka guruubyada koobka UCL xilli ciyaareedkii 2011 illaa 2012.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR