Kenya oo walaac ka muujisay tallaabada uu Mareykanka kula baxayo ciidamada ka jooga Soomaaliya

NAIROBI (HALBEEG)- Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay tallaabada uu Mareykanka ku doonayo inuu ciidamadiisa kala baxo dalka Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa Mareykanka ugu baaqday inuu Mareykanka ka laabto go’aankan Waxeyna Kenya tilmaamtay in tallaabadan ay sii xumeyn doonto ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan midka gobolka.
“Tallaabada noocan oo kale ah wax ay khatar gelinaysaa dadaallada amniga ee lagula dagaalamayo argagaxisada iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo wada ilaalin lahaa danta guud ee caalamka” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Wasaaaradda Arrimaha dibada Kenya Kamau Macharia.
Xoghayaha guud ee Wasaaraadda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulantay dib u dhacyo xoog leh oo dhanka maalgashiga dhaqaalaha kadib weerarradii al-Shabaab ka fuliyeen Kenya weeraradaas oo ay kamid yihiin  kuwii lagu qaaday Westgate iyo hotelka Dusit.
Hadalka Macharia ayaa ku soo aadaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.
Macharia ayaa sheegay in geeska Afrika oo nabad ah lana maalgashin karo lagu heli karo oo keliya markii la baabi’iyo ururka al-Shabaab.
“Tanina, waxay keeni doontaa iskaashi waara oo la saadaalin karo oo dhex mara Mareykanka iyo Kenya, taas oo keeni doonta in tallaabooyin wadajir ah ay ka wada qaadaan curyaaminta hoggaanka al-Shabaab iyo cunaqabateynta ilahooda dhaqaalaha” ayuu yiri Macharia.


Post Views:
20

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR