Kenya oo xabsiga ka sii daysay Aqoonyahan Bursaliid

Dowladda Kenya ayaa xabsiga ka sii daysay Aqoonyahan Dr Ibraahin Faarax Bursaliid oo Shan maalmood ku xirnaa Xabsi ku yaallo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sirdoonka Kenya ayaa 7-dii Bishan kala baxay gurigiisa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo maalin kadib la soo taagay maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi, kadib markii lagu eedeeyay falal argagixiso.

Bursaliid ayaa ugu dambeyn xalay laga sii daayay Xabsigii uu ku xirnaa, waxaana lala sii daayay illaa Saddex ruux oo la xirnaa.

Aqoonyahan Bursaliid oo ah falanqeeye Arrimaha Siyaasada ayaa wax ka dhiga Jaamacadda Nairobi,waxaana dhawaan Dowladda Kenya ay horkeentay Maxkamada, isaga iyo rag kale ku eedeeysay inay xiriir la leeyihiin Kooxaha waxa loogu yeero Argagaxisada, hayeeshee haatan wax dambi ah lagu waayay.

Illaa hadda ma jirto faah faahin badan oo dowladda Kenya ay ka bixisay xariga & sii daynta Dr Bursaliid oo ka mid ah haldoorada Shacabka Somaliyed ay ku tashtaan.

Kenya & Somaliya ayaa xilligan waxaa ka dhaxeeya xiisad Siyaasadeed oo adag, taasi oo keentay in Kenya ay dalkeeda u diido xubno ka tirsan dowladda Somaliya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR