Kepq Arrizabalaga oo caddeeyay sababt uu ku doortay Chelsea!

Naadiga Chelsea ayaa xagaagan Kepa Arrizabalaga ka dhigtay goolhayaha dunida ugu qaalisan maadaama ay £72m kaga soo qaateen kooxdq Athletico Bilbao.

Goolhayaha reer Spain ayaa soo dhoweyn wanaagsan ka helay xiddigaha ay isku dhalashada yihiin sida Cesar Azpilicueta oo diirrimaad kusoo dhoweeyay.

23-jirkan ayaa caddeeyay in xiddigaha Spanish-ka dartood uu ku doortay inuu ugu soo biiro kooxda Chelsea.

Shan ciyaaryahan oo kasoo jeedda dalkiisa ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay kasoo muuqatay safka Blues sida : Cesc Fabregas, Pedro Rodriguez, Cesar Azpilicueta, Alvaro Morata iyo Marcos Alonso.

23-jirkan ayaa ka mid ahaa 23-kii ciyaaryahan ee La Roja u matashay Koobkii Adduunka ee sanadkan, inkastoo uusan ciyaarin marna.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR