Khasaaraha ka dhashay weerarkii New Zealand oo kordhay

Ugu yaraan 49 Qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, markii ay Dabley hubeysan weerar ku qaaday Laba Masjid oo ku yaalla Degmada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Ra’iisul wasaaraha Dalka New Zealand, Jacinda Ardern ayaa saxaafadda u sheegtay in ay tallaabadani tahay mid Argagixiso oo si weyn loo soo qorsheeyay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Saddex Rag ah iyo Haweeney, kuwaas oo qaarkood ka yimid Waddamo kale kana mid cunsuriyiinta neceb soo galootiga.

Geerida Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhintay ayaa iminka maraysa Afar Qof, laamaha gurmadkuna waxa ay la tacaalayaan dhaawacyadii ka dhashay weerarrada lagu qaaday Labada Masjid.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR