Khilaafka wakiilada maraakiibta iyo maamulka dawlada (WQ: Abdikalik Abdilahi Awal Bari)

Sida Aan Lawada Socono Waxaa Beryahan Dambe Soo Noqnoqonaayay Muran Udhexeeya Wakiilada Maraakiibta Containers ka Xabaara & Maamulka Dowlada Gaar Ahaan Wasaarada Ganacsiga Oo Amaro Kasoo Saartay Arintan Balse Amaradaas Ayaan Fulin Gebi Ahaanba Markii Ay Ka Dhega-adaygeen Wakiiladu

Murankan Ayaa Salka Kuhaya Lacagta Laga Qaado Ganacsatada Iska Leh Alaabta Kujirta Containers ka Ee Ay Qaadaan Wakiilada Maraakiibtu Waana Lacagta Lagu Sheego DO Ama Delivery Order

Is Mari Waaga Meesha Yaala Ayaa Ah In Wakiilada Maraakiibtu Ay Each Container Ugu Jari Jireen Hal DO Balse Hada Amar Lagu Siiyay Hadii Qofku Sito 100-Container Waxaa Loo Jarayaa Hal DO Halkii Markii Hore Looga Jaraayay 100-DO Lagana Qaadaayay Per Each Lacag Gaara

Arintan Ayaa Umuuqata In Uu Jiro GAP Shaqo Oo Meesha Kamaqani Isla Markaana Waxaa Kuusoo Baxaysa In Aanu Jirin System Standard Ah & Tacriifad Ay Ku Shaqeeyaan Wakiilada Gaadiidka Badu Balse Xaalku Yahay Jaantaa-rogan & Ninba Inuu Siduu Doono Yeelo Hadii Ay Tahay Ganacsatada Ama Maamulkaba,e

Si Kastaba Ha Ahaatee Maxaa Keenay Murankan Maanta Xalka Loo Waayay? Waxaan Anigu Odhan Lagaa Xigmad Ayaa Ahayd (Hadaad Aragto Arin Dhamaan Waaya Ama Midbaa Kadhiman Ama Midbaa Kudheeraad Ah) Sidoo Kale Xigmad Kale Ayaa Ahayd (Cudurka Kaa Gala Fardaha Hadii Laga Gubo Dameer Dawada Lama Gaadhayo)

Waxaynu Wada Ognahay Dekeda Berbera Waxay Shaqaynaysay Mudadii Ay Jirtay Somaliland & Kahorba Welina Lama Maqal Khilaafaad Sidan Ah Waxaana La Odhan Karaa Ama Ay Tahayba Waxaa Meesha Ka Maqan Doorkii Maamulka Dekeda Ee Howlahan Oo Kale Dhamayn Lahaa Waana Arin Ubaahan Aqoon & Khimrad Iyo Kalsooni Qofeed

Waxaan Wada Ognahay Masuulkii Ugu Mudada Dheeraa Dekedu Wuxuu Ahaa Eng Ali Omar Mohamed (Ali-Xorxor) Mudadaas Uu Joogay Dekeda Oo Ah Ugu Yaraan In Kudhow 20-Sano Ama Kabadan Weli Muu Iman Khilaaf Ama Muran Shaqo, Service Dhan Kasta Oo Uu Yahayba Haday Tahay Port Users ka Ama Ha Ahaadaan Adeegayaasha Dekedee Waxaanu Wax Kasta Ku Dhamayn Jiray Si Sulux Iyo Waayeelnimo Kujirto Isagoo Hadana Fulinaaya Amarada Dowlada

Maaha Inaad Adoo Tay Xidhan Tv-ga Isi Soo Taagto Aad Tidhaahdo (Anoo Fulinaaya Amarka Wasiirka Balaa Balaa Balaa) Waa Inaad Kudartaa Arintan Maxaa Impact Kaaga Imanaaya Waa Inaad Adoo Fulinaaya Awaamiirta Dowliga Ah Hadana Aad Xaalada Jirta Eegtaa Aad Ogaataa Adna Inaad Tahay Masuul Sharciguna Kuu Ogolyahay Inaad Gaadho Go,aan Adoo Eegaya Danta Dekeda & Dadka

Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaan Anigu Madaxwaynaha Dalka Md Musa Bihi Abdi & Wasiiradaba Talo Kusiinayaa Cida Ugu Haboon Ee Howshaas Idinka Qaboojin Kartaa Waa Ayo Anaa Idiin Sheegayee Waa Nin Aan Ubaahnayn Maanta Shaqo Balse Dekeda & Dalku Ubaahanyahay Dadkuna Ku Kalsoonyqhay Waa Kee Kaasi Waa Eng Ali Omar Mohamed Waxaan Hubaa Haduu Joogo Isagu Maanta Inaan Hadal Lamaqleen Waayo Waa Waaya Arag Garanaaya Xaalad Kasta Halka Laga Dejiyo

Ugu Dambayn Malihi Anigu Ali Halaga Dhigo Maareeye Oo Maanta Meeshiiba 20% Ayaa Kasii Jooga Oo Waatan Dpw Lawareegtaye Waxaan Leeyahay Ama Hala Aasaaso Xafiiskii Howlaha Maraakiibta Oo Ali Haloo Dhiibo Ama Port Consult Haloo Magacaabo Ka Wakiil Ah Madaxwaynaha Si Arintan Looga Raysto Maruun Waana Dawada Qudha Ee Lagaga Bogsanaayo Dhibtaas Ali

Ugu Dambayn Waxaan Leeyahay Madaxwayne Waxaa Jira Rag Badan Oo Ilmada Yaxaaska Kula Agjoogee Qiimayn Degdega Samee Sidoo Kale Madaxwayne Arinka Dekedu Waa Serious Shalay Ayuu Gubtay Wiish 4-Million Dollar Ahi Ilaa Hada Lama Hayo Ilaalinta Wiishkaas Cida Lahayd Dpw & Spa Sidaas Marka Ay Tahay Waxaa Easy Ah In Guud Ahaan Dekeda Dab Lasudho Cidina Aanay Kahadal Waa In Arinta Wiishkan Cid Loo Helaa Yeelata Dayaceeda Laguna Qisaasaa Waxaanan Qabaa Inay Qaybta Faraca Badu Leedahay Dayacaas Howgu Horeeyo Maareeyahan Kasoo Hadhay Maamulkii Siilaanyee

Ugu Dambayn Waxaan Leeyahay Madaxwayne Ninkaas Aan Sare Kusoo Recommended Gareeyay Maaha Maanta Nin Ubaahan Shaqo Balse Waa Muwaadin Ku Asturaaya Oo Ah Expert Port Worker Waxaan Kugula Talinayaa Hadii Aad Doonayso Inaad Ka Werwer La,aato Dekeda Ninkaas Uga Dhig Masuul Yaryarkana Kabixi Tickets ka Hayska Tagaan Halkoodiiye

—Wabilaahi Towfiiq—-

Bye Abdikalik Abdilahi Awal Bari
Hargeysa Hada Jooga
Tel +252-634292705
Eamail abdi70526@hotmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR