Kieran Tierney Oo La Sheegay Halka Meel Ee Uu Kaga Fiicanyahay Daafaca Liverpool Ee Andy Robertson.

Kieran Tierney ayaa cadayn doona in uu yahay saxiixii ugu fiicnaa ee premier League sida uu sheegay weeraryaahnkii hore ee kooxda Arsenal ee John Hartson Kaas oo sheegay in uu daafaca cusub ee Arsenal ka fiican yahay xiddiga ay isku dalka yihiin una ciyaara kooxda Liverpool ee Andy Robertson.

22 jirka ayaa kaliya 2 kulan u ciyaaray Arsenal todobaadyadii ugu dambeeyayisaga oo kulamadiidii ugu horeeyay u ciyaaray Arsenal kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawaca.

Tierney ayaa laga reebay xulka qaranka Scotland ee kulamada soo socda ee is reeb-reebka Euro2020 si uu si buuxda ugaga soo kabsado dhaawacii soo gaadhay.

“Dadku waxa ay ka hadlaan Andy Robertson, waxa aan odhan karaa in uu Robertson ku fiican yahay dhanka weerarka laakiin uu Tierney kaga fiican yahay dhanka daafaca”ayuu xiddigii hore ee Gunnar u sheegay Daily Record.

“Kieran waxa uu u difaacdaa si fiican sidoo kale waxa uu ka ciyaari karaa weerarka marka loo baahdo, waxa aan daawaday Robertson markii uu u ciyaarayay kooxda Dundee waxana uu ahaa mid fiican”.

“Waxa uu ku biiray Hull laakiin Liverpool ayaa 10 milyan kula soo wareegtay haatan waxa uu ku jiraa qaab ciyaareed fiican”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR