Kii shalay Shacabka dhacay oo Maanta kuleh dan Shacab baan udoodayaa

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanyaasha doodda kulul ka jeediyey golaha shacabka ayaa sheegay in marnaba uusan aqbaleyn in xukuumadda Kheyre ay marmarsiyo arrinta Qalbi Dhagax uga dhigto heshiisyo aan jirin.

Wuxuu sheegay iney markaasi heshiis gaareen Labo maamul oo kala ah Galmudug iyo DDSI, iyaguna ay ahaayeen kuwo heshiiyadii ay gaareen Labadaasi maamul ku howlgaleen.

Wuxuu sheegay in heshiiyadii ay xitaa maamulladan gaareen aanay ku jirin in dad la isku soo qabto iyo wixii lamid ah.

Xukuumadda Kheyre ayuu sheegay iney tahay mid dano kale oo qarsoon leh, islamarkaana muhiim ay tahay in dib loo eego kalsoonideeda.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR