Koongo oo Koox Huutuu ah Ku Eedeysay Dilkii Danjire Attanasio

Koongo oo Koox Huutuu ah Ku Eedeysay Dilkii Danjire Attanasio

KINSHASA(HALBEEG)-Jamhurriyadda Dimoqraadiga Kongo ayaa dilkii danjiraha Talyaaniga u fadhiyay dalkaas Luca Attanasio ku eedeysay koox fallaago ah oo ka soo jeedda Huutuuga Ruwanda.

Koongo aya asheegtay in kooxdaas ay ka dambeeyeen qarax miino dhulka lagu aasay oo Isniintii shalay lala beegsaday kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay halkaasina ay ku geeriyoodeen danjiraha iyo laba ruux oo kale oo midi yahay darawal halka midka kalena lagu sheegay in uu ahaa sarkaal boolis ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Koongo ayaa sheegtay in kooxda Huutuuga ahi ay sidoo kale rasaas huwiyeen kolonyada iyaga oo afduubtay afar qof oo kolonyada Qaramada Midoobay la socotay.

Danjire Anttanasio oo 43 jir ahaa ayaa ku geeriyooday cusbitaalka kaddib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray weerarka ay kooxdani ku qaadeen kolonyada uu la socday.

Danjirahaa ayaa la kulmay weerarka aroonimadii shalay xilli uu la socday mid ka mid laba baabuur oo ku safreysay mee loo 15 km dhanka waqooyi kaga beegan Goma.

Kolonyada uu danjiraha la socday ayaa la sheegay in ay ahayd kolonyo ay hoggaaminayasay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.


Post Views:
23

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR