Koox hubeysan oo xalay Muqdisho ku dilay wiil Mooto Bajaajle ahaa

Koox hubeysan ayaa xalay aagga Ex-control Afgooye ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin watay Mooto Bajaaj, sida ay inoo sheegeen Dadka Deegaanka.

Kooxda dilka geysatay ayaa markii hore telefoonka ka qaatay wiilka Dhalinyarada ahaa, balse markii dambe ayay toogteen, bacdamaa uu ka daba cararay oo uu ku qeyliyay “Telefoonekyga isiiya”.

Hay’adaha ammaanka ayaa hawlgal amni xaqiijin ah kadib ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan mid ka mid ah raggii dilay wiilkaasi Dhalinyarada ah.

“Walaalow xalay ayuu dilkan ka dhacay Ex-controol qeybta Daawada, wiil Mooto Bajaajle ah ayay dileen kooxda hubeysan ee Burcada ah, wayna baxsadeen, laakiin mid ka mid ah ayaa la qabtay”. ayuu yiri qof ka mid ah Dadka Deegaanka.

Ninka la soo qabtay oo lagu raadinaayo ninka dilka geystay ee Bastoolada ku hubeysnaa ayaa la geeyay Saldhig Galbeed, halkaasi oo su’aalo kala duwan lagu weydiinayo.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa dowladda Somaliya ka dalbaday in cadaalada la horkeeno raggii ka dambeeyay dilka wiilkooda.

Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa dhibanayaal u ah ciidanka dowladda, Kooxaha Argagixisada ah iyo ragga Maleeshiyaadka ah ee hubeysan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR