Kooxdee ayuu u dhowyahay Jorginho? De Laurentiis oo ka hadlay!

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Napoli ee Jorginho ayaa xagaagan kusoo biiri doono horyaalka Premier League-ga, iyadoo kooxaha Manchester City iyo Chelsea ay yihiin kuwa ku dagaallamaya saxiixiisa.

Bilawgii suuqa kala iibsiga waxa uu aad ugu dhowaa inuu u dhaqaaqo kooxda City, balse Blues ay si dar dar ah kusoo gashay baacsigiisa.

Laacibka reer Italy balse ahaan kasoo jeeda dalka Brazil ayaa u dhow inuu dhameystiro saxiixiisa kooxda Chelsea sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Napoli ee Aurelio De Luarentiis.

Macallinka la filayo inuu la wareego shaqada kooxda reer England ayaa gacan weyn ka geysanaya saxiixa Jorginho oo ay xillo ciyaareedkii idlaaday ka wada shaqeynayeen garoonka San Paolo.

De Laurentiis ayaa xaqiijiyay inaysan isku xirneyn iibka Jorginho iyo fasaxidda Maurizio Sarri, sidaaas darteedna uu laacibkan ku biirayo kooxda Chelsea.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR