Kooxo Hubaysan oo xalay Baydhabo ku dilay Gudoomiyihii Ururka Naafada K/Galbeed.

Alle ha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Baydhabo lagu dilay Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo lagu Magacaabi jiray Shariif Mukhtaar Jiis.

Dadka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa Bustoolado ay mas’uulka ugu tageen Hooygiisa oo ku dhex yaalla Xero barakac oo ku taalla Magaalada Baydhabo,isla markaana dhowr xabadood ku dhufteen, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Shariif Mukhtaar Jiis Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa waxay mas’uuliyin ka tirsan Koonfur Galbeed sheegeen in Bartamihii Sanadkii 2018 Kooxo hubeysan ay dhaawaceen,hayeeshee uu ka caafimaaday.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan ) ayaa uga tacsiyadeeyay eheladiisa Guddoomiyihii Ururka Naafada ee xalay la dilay, isaga oo sheegay in maalin ka hor ay wada kulmeen,isla markaana dilkiisa uu aad uga naxay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR