Ku dhowaad 20 taageere oo Milan ah oo lagu xiray dalka Spain! Maxay tahay sababta?

Qiyaastii 20 qof oo ka mid ah taageerayaasha AC Milan ayaa lagu xiray magaalada Seville ee dalka Spain ka hor kullanka EUROPA League-ga ee ay la ciyaareyso Betis.

Milan ayaa qasaaro kala kullantay kooxda reer Spain kullankii hore ee ka dhacay San Siro, waxaana ay dooneysa inay aar gudato caawa.

Mundo Deportivo ayaa werrineysa in ku dhowaad 20 taageere oo Milan ka socota loo xir xiray ka dib markii ay si aqlaaq darro ah u weerareen Kaniisad ku taalla magaalada Seville ku taalla.

Kooxdan taageerayaasha ah ayaa lagu soo warramayaa inay dhibaateeyeen  dhismayaal bulshada ka dhexeeya, sidoo kale waxa ay u burburiyeen gawaari iyo basas isu goysha magaalada.

Sidoo kale taageerayaashan waxa ay tuurreen Bululleer iyo waxyaabaha qiica sameeya, taasoo keentay inay Police-ka magaalada ay arrintaasi soo fara-geliyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Police-ka ayaa caawa isku gadaamaya garoonka ciyaarta ay caawa ka dhaceyso.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR