kulanka adag ee Spurs, hadii Pogba cayaarayo, wararka Pochettino United la xiriirinayo, suuqa kala iibsiga iyo Waxkasta oo ku saabsan shirkii jaraa’id ee Ole Gunner Solskjear.

Kusoo dhawaada shirkii jaraa’id ee macalinka kooxda Manchester United kaasoo ka horeeyay kulanka Tottenham iyo waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu ka hadlay.

Ole ayaa ugu horeyn wax laga weydiiyay Paul Pogba iyo hadii uu diyaar u yahay kulanka Spurs wuxuuna ku jawaabay “Paul tababarka si wanaagsan ayuu u qaatay wuxuuna u muuqday mid fit ah sidaas darted wuu ka qeyb qaadan karaa kulanka Tottenham, waa sax in xanuun soo wajahay lkn labadii tababar ee ugu dambeysay waxkasta caadi ayay ahaayeen”

Solskjear ayaa markaas wax laga weydiiyay macalinka Tottenham Mauricio Pochettino iyo wararka la xiriirinayo inuu xilka ka badali doono wuxuuna ku jawaabay “asiga wuxuu qabtay shaqo heer sare ah wararka United la xiriirinayana sababo wajiih ah ayay u soo baxayaan hase yeeshee shaqadeyda ma ahan inaan qiimeeyo xaalada tababarayaasha kale ee waa inaan xooga saaraa nafteyda iyo kooxdeyda”

Kadib waxaa wax laga weydiiyay weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane wuxuuna ku jawaabay “Harry Kane ma ahan weeraryahan xun, miyaysan sidaas aheyn??  Waa gool-dhaliye sare waana mid kamid ah weeraryahanada ugu fiican aduunka, asiga wax jaanis ah iskama khasaariyo (xiliga uu garoonka ku jiro) lkn anaga waa inaan ku dadaalnaa inuusan wax fursad ah nagu helin”

Kadib waxaa wax laga weydiiyay suuqa kala iibsiga wuxuuna ku jawaabay “mararka qaar idinkoo kale ayaan wararkaasi suuqa la xiriir akhriyaa ma rumeysan kartid xanta kooxda maalin kasta laga qoro,  qaar kamid ah xidigaha kooxda lala xiriirinayo xitaa magacooda ma aqaano markaas ayaad saxaafada ka akhrineysaa in kooxda lasoo saxiixatay”

Ole ayaa markaas la weydiiyay safarkii ay Dubai ku tageen wuxuuna ku jawaabay “mid heer sare ayay aheyd waxaana helnay afar maalmood oo heer sare ah sidaas owgeed waxay ila tahay in xidigaha kooxda ku raaxeysteen kooxdana ay ku raaxeysatay”

Solskjear ayaa wax laga weydiiyay kulanka adag ee Tottenham iyo hadii uu imtixaan u yahay wuxuuna ku jawaabay “cayaar kasta oo EPL ka tirsan anaga waxay noo tahay imtixaan lkn dabcan haa kulanka axada waa kulan weyn hadii aan dooneyno inaan ka ag-dhawaanana waa inaa si heer sare u cayaarnaa natiijo sarana gaarnaa”

Solskjear ayaa ugu dambeyn la weydiiyay hadii uu jiro qorsho  uu u diyaariyay siduu ku joojin lahaa Tottenham wuxuuna ku jawaabay “adiga markasta waxaad isku dayaysaa inaad fahamto koox kasta oo kaasoo horjeedo,   waxaan wajihi doonaa mid kamid ah kooxaha ugu fiican horyaalka waana nagu qasab inaan naqaanaa meelaha ay ka xoogan yihiin lkn anagana waa nagu qasab inaan weerarnaa taasina waa meesha aad dooneyno inaan ka xoogaanaano (weerarka)”

Dhamaad.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR