Kumuu ahaa Abwaan Sangub?

AUN: Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub)

Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada Dhagaxbuur, ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sanad taariikheedkii 1944-tii, halkaas oo uu ku soo barbaaray.

Sangub markii da’diisu shan jir ahayd ayuu ku bilaabay u hilowga fanku,
wuxuuna ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta (Dhaantada),
ka sokow dhinaca ciyaaraha dhaqanka, Sangub wuxuu ahaa Gabyaa ka hida qaba
qoysas kala duwan oo wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way
gabyi jireen.

Sangub abtigii, wuxuu ahaa ninkii uu Timacadde ku hal qabsanayay ee uu
lahaa; “Mudanihii Aflow iyo sidii Muxamed maw sheeg” Aflow, wuxuu ahaa, abtigii
hooyadii la dhashay. “Masoolahayeey, Casoolahayeey, ciyaar-jinidaan aqaan”.
Inkasta oo Sangub sheegay in aanu ilaa hadda garanayn macnaha ererada Masoole
iyo Casoole, haddana wuxuu kelmadahaa ka dhigtay, hal-qabsi naaxyid u noqotay
heeshihiisa.

Abwaan Sangub, sanadii 1961-dii isagoo barbaar ah ayuu tagay magaalada Hargaysa,
wuxuuna imtixaan u galay  idaacadda Hargaysa,
sidaas ayuu ugu hawl galay Radio Hargaysa isagoo ugu shaqayn jiray si aan rasmi
ahayn.

Isla sanadaas 1961-dii ayuu Sangub u wareegay magaalada Muqdhisho, halkaas
oo ay Radio Muqdisho imtixaan u galeen 21 qof oo uu isagu ku jiro, ayna ka soo
baxeen laba qof, isaga oo gabayga loo qaatay iyo Sheekh qur’aanka akhriskiisa
loo qaatay, waxaana imtixaanka ka qaday:
Cali Cilmi Afyare, Cismaan kaahin iyo Fiqi Buraale, Sidaas ayuuna shaqa toos  ah uga bilaabay idaacadda Radio Muqdisho.

Sangub markii uu yimid magaalada Muqdihso waxaa yaab iyo dhabanahays ku
noqotay sida gabdhaha magaalada ku nool ay u dhaqmaayaan, iyo sida ay ahaayeen
gabdhihii uu miyiga ku yaqaanay, gabaygii ugu horeeyey ee uu ku galo imtixaanka
waxa uu kaga hadlay sida dhaqanka magaalada iyo kan miyiga u kala duwan yahay,
wuxuuna yiri.

 “Habluhu waagii hore waa tii, ay hadal
yaraayeene

 “Waayagii harraadkiyo dhibtiyo, hawsha
kululaaye”

 “Waa kuwii lagu hawoon jirey intii, hadhac la
ootaaye”

Abwaanku, wuxuu noqday mid halis ku ah samaynta riwaayadaha xiisaha leh,
inta badana riwaayadihiisu waxay bulshada dhexdeeda ka abuureen doodo iska soo
horjeedda, guud ahaan, riwaayadihiisu, waxay u qaybsan yihiin wadani, jacayl
iyo kuwo falsafad ku dhisan. Riwaayadii ugu horaysay ee uu sameeyay, waxaa la
odhan jiray “Naga Guur” waxayna ahayd, mid wadani ah oo uu ugu talo-galay
gumaysigii Ingiriiska oo wakhtigaa Afrika inteeda badan xukumi jiray.

Abawaan Sangub wuxuu ahaa Abwaanka ugu rawaayadaha badan abwaanada Soomaaliada
, waxaana kamid ahaa rawaayadihiisa.

  • Naga Guur
  • La mood noqonse wayday
  • Yaxaas dhaga-dhuub
  • Qabrigii jacaylka
  • Jacaylkii xuudku liqay
  • Xuskii jacaylka
  • Xorriyo nin gayaa ha guursado
  • Gari ma kaa baxdaa
  • Ummad wada qooqan baan wax u qaybi leeyahay
  • Qabyo
  • Ambiil ma leh
  • Halkii qoontu ku taallay dakharkii qali waa
  • Sanka bura ku taallay sidee baan ku yeelaa
  • Iyo kuwa kale oo badan

Dhanka heesaha, kuwii caan baxay
waxaa kamid ahaa.

  • Gaasiray ennaga yaayna kala guraya
  • Alla walalac beeney
  • Waan arkaayoo sheegi mayo
  • Wallee dheehoy, dhaaxaad olashaye, waa lagaa
    dhalin
  • Ninki dhoof ku yimid bay geeridu dhibaysaa
  • Nin ku ray wax kuu sheeg”
  • Iyo kuwa kale oo badan.

AUN, Abwaan Sangub wuxuu ka mid ahaa abwaanada ugu horeeya hal-abuurka
Soomaalida, waxaana uu kaalinta weyn ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed.

F.G: Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise, wuxuu dhowr jeer oo wareysi uu bixiyay ku sheegay in magaca Sangub aan la oran ee uu magacu yahay Singub, oo uu sheegay in wagii uu yaraa laga gubay sinta, balse Soomaalida ayaa u taaqaanay Sangub.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR